Xasan Goodir "Askarta Garowe fowdada ha joojiyaan"

Image

5 October, 2015 (GO)- Duqa degmada Garowe Xasan Maxamed Ciise "Goodir" ayaa ugu baaqay saraakiisha amaanka inay xakameeyaan askartooda fowdada ka wada  caasimada Puntland, kuwaas oo uu sheegay inay si mas'uuliyad darro  ah xabado aan loo meel dayin iska ridayaan.

Duqa ayaa hadalkan ka jeediyay munaaasibad lagu soo xirayay kalfadhigii koowaaad ee golaha deegaanka Garowe.

Goodir ayaa wax lagu xumaado ku tilmaamtay soo noqnoqashada arrintaan, isagoo sheegay inay sumcad xumo iyo magac dil ku tahay caasimada Puntland ee Garowe  oo aan horey looga baran waxyaabaha caynkaan oo kale ah.

"Magaaladan caasumada ah waxay u baahan tahay in aanu ka wada shaqeeyo, waxayna marti u tahay dadka reer Puntland, qofkii hal xabad ka rida dhexdeeda wuxuu dhaawac u gaystay horumarkeeda, shakina kuma jiro garaadkeeda inuu hoos u ridayo, waxaan codsanayaa in xabadda laga daayo magaalada, in ciidamada madaxdooda ay fowdada ka daayan magaalada intii horre ayaa ugu filan" ayuu yiri Xasan Goodir.

 Duqa caasumada Puntland Xasan Goodir wuxuu sheegay inaysan u dul qaadan doonin in la xumeeyo nabad galyada Garowe, isagoo hoosta ka xariiqay inay tahay magaalo caan ku ah nabada, isla markaana  astaan u ah jiritaanka Puntland. 

Habeenadii ugu danbeeyay magaalada Garowe ee caasumada Puntland ayaa laga maqlayay xabad, taasoo ka dambeeyeen ciidamo gadoodey kuwasoo ka cabanayey mushahar la'aan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Maxay Tahay Tallaabada ay Puntland Qaadeyso Haddii Dowladda Federaalka Faragelin ku Sameyso Amnigeeda?

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadda Puntland ay heegan buuxa ku jiraan...

  • Puntland

    01-07-2026

  • 11:03AM

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM