Xasan Sheekh oo baaq kasoo saarey shaqaaqada ka dhacdey Garowe

Image
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa soo bandhigay kaalin ay qaadan karto dowladda federaalka Soomaaliya.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka tacsiyeeyey muwaadiniinta birmo-geydada ah ee ku nafwaayey dagaalka maanta ka dhacay magaalada Garoowe ee caasimadda dowlad-goboleedka Puntland.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa, sidda ay shaacisay Villa Soomaaliya, waxa uu ku celiyey baaqiisa ku aaddanaa in la tixgeliyo rabitaanka dadwenaha, lagana fogaado in xalka lagu raadiyo qori iyo rasaas.

Dadka Soomaaliyeed ayuu carabka ku adkeeyay in aysan xamili karin colaad cusub oo laga huriyo deegaannadii ku tilmaamnaa nabadda iyo xasilloonida.

Dowladda ayuu ka dhawaajiyay in ay la tacaaleyso dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo nabadeynta deegaannada ay horey u saameeyeen dagaallada sokeeye.

Odeyaasha dhaqanka Puntland ayuu ka codsadey in ay u istaagaan xallinta dhibaatada taagan, maadaama ay aas-aas u yihiin dowladnimada iyo xasilloonida Puntland.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ee fadhigeedu yahay magaalada caasimada Muqdisho ayuu ku nuux-nuux-sadey in ay diyaar la tahay waxii looga baahdo ee fududeynaya nabadenyta iyo xallinta khilaafka ka taagan Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lugatoor: Soomaaliya Halis ayay ugu Jirtaa Inay Ku Laabato Dowlad La’aan Haddii Federaalka La Ilaalin Waayo

Khilaafka u dhaxeeya Puntland iyo dowladda federaalka ah ayaa gaaray meel sare bishii Maarso 2024.

  • Puntland

    22-09-2025

  • 02:08PM

Madaxweyne kux-geenka dowladda Puntland oo ka hadlay Shirka Nabadda ee PDRC

Shirka Nabadda ee PDRC oo socon doona saddex cisho, ayaa sidoo kale diirada lagu saari doonaa isbadalka Cimilada.

  • Puntland

    21-09-2025

  • 12:59PM