Xasan Sheekh oo Puntland ku bogaadiyey "xakameynta" ISIL

Image
Dagaalameyaasha la magacbaxay 'Dowlada Islaamka' ayaa si dhuumaaleysi ah uga howlgala buuraha Galgala.

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa wuxuu bogaadiyey xeeladda ay ciidamadda Puntland u wajaheen "xakameynta dhaqdhaqaaqa maleyshiyaadka Daacish".

Isaga oo Soomaalida Mareykanka kula hadlaayey magaaladda Washington, dagaalameyaasha ISIL ayuu xaqiijiyey in ay "joogaan gudaha Muqdisho" balse "ay ku xoogan yihiin" qaybo kamid ah Puntland.

Sida laga soo xigtey Xasan Sheekh, dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka shaqeyn doonto sidii ISIL looga looga ciribtiri lahaa buuraha ay ku dhuumaaleystaan ee degaanadda Puntland.

"Nimanka la yiraahdo ISIL xamar waa joogaan, waa ku dhuuntaan laakiin xoogooda waa buuraha Badda Cas kusii jeeda ee Galgala iyo meelaha lamid ah; buurahaas ayay saaran yihiin," ayuu tibaaxay.

Wuxuu raaciyey: "Arrinta wanaagsan waxay tahay in ciidamadda Puntland ay sameeyeen aag marka ay dhulka u soo dagaan ay adag tahay in ay dadka si fudud ku dhex-galaan".

"Laakiin waa bini'aadam mararka qaar waxaa laga yaabaa in ay kusoo dhex-dhuuntaan dadka oo ay soo dusaan. Laakiin nimankaasi wali buuraha lagu haayaa, buurahana waa loogu tagu doonaa," ayuu xusay.

Hadalka madaxweynaha ayaa kusoo beegmaya xilli ISIL ay shalay dusha saaratay mas'uuliyadda weerar qarax oo lagu dhaawacay sarkaal ka tirsan ciidamadda sirdoonka kaasoo ka dhacay degmadda Shibis ee Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Baareysa Duqeyn Diyaaradeed oo Lagu Dilay Oday Dhaqameed Gobolka Sanaag

Qoyska marxuumka ayaa si adag u beeniyay warar lagu faafiyay baraha bulshada oo ku eedeynayay in odaygu xiriir la lahaa kooxda Al-Shabaab.

  • Puntland

    15-09-2025

  • 07:02AM

Ciidamada Puntland oo Guulo Waaweyn Ka Gaaray Howlgalka Ka Dhanka ah ISIS

Sanado badan, buuraleyda Cal-Miskaad ayaa ahayd goobaha ugu muhiimsan ee ay argagixisadu ku dhuumaalaysato.

  • Puntland

    04-09-2025

  • 12:11PM