Xeer ilaaliyaha Gardafuu "Xukunka doonyahaasi waa waxba kama jiraan"

Image

Xeer ilaaliyaha Maxkamadda gobolka Gardafuu ayaa ka hadlay xukun lagu riday doonyo dhawaan soo qabteen ciidamada badda Puntland PMPF, kuwaas oo lagu xukumay lacago ganaax ah.

Saddex dooni oo laga leeyahay dalalka Iran iyo Yemen, ayaa xeer ilaalintu sheegtay in wasaaradda Kalluumaysiga Puntland ku xukuntay ganaaxyo cadadkoodu u dhaxeeyaan 1,000 ilaa 3,000 oo dollar.

Cabdicaasiis Xuseen Bile, Xeer ilaaliyaha Maxkamada gobolka Gardafuu oo la hadlay Radio Garowe, ayaa sheegay in wasaaraddu ku tumatay qodobo badan oo dastuuri ah, wuxuuna sheegay inay xukuntay doonyo aan la gayn maxkamad.

Wuxuu sheegay in xiriiro uu la samayay mas'uuliyiinta wasaaradda u suura gali waayeen caqabado dhawr ah dartood, wuxuuna xusay  in tallaabadan ay tahay mid qaldan oo wasaaradda Kalluumaysiga sharciyaysatay.

Xukunka doonyahaasi lagu qaaday ayuu xeer ilaaliyuhu tilmaamay inay tahay waxba kama jiraan, isagoo codsaday cidii ku tumata sharciga in la horgeeyo maxkamad.

Dhinaca kale, wuxuu cabasho ka muujiyay inaysan garsoorayaasha gobolkaasi lahayn xafiisyo,  isagoo taa badalkeeda sheegay in wax lagu xukmiyo geed hoostiis.

Xiriir Warsidaha Garowe Online la sameeyay mas'uuliyiinta ugu saraysa wasaaradda Kalluumaysiga Puntland, waxay cadeeyeen inaysan arrintaasi ka hadli karin.

Eeddan, ayaa kusoo beegantay xilli dhawaan magalada Bosaso ka furatay xilli habeenimo ah doon muddo kabadan saddex bilood ku xirnayd dekeda taasi oo ciidamada badda Puntland kusoo qabteen howl gal ay fuleen ciidamadu 01 December,  2015 iyadoo aan maxkamad iyo ganaax doona la horgayn.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Puntland oo Qaabilay Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya

Sidoo kale, kulanka waxaa si gaar ah looga hadlay hawlgalka ka dhanka ah argagixisada ee ka socda deegaanka Calmiskaad.

  • Puntland

    26-08-2025

  • 12:15PM

Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland oo Muujiyay Inay Yihiin Laf-Dhabarta Amniga Soomaaliya

Howlgalladan guuleystay ee PDF ayaa noqonaya mid xoojinaya doorka Puntland ee ku aaddan la-dagaallanka argagixisada.

  • Puntland

    20-08-2025

  • 06:23AM