​Xiisad ka taagan magaalada Laas-caasno, gobolka Sool

Image

LASCANOD- Xaaladda guud ee magaalada Lascaanood, ayaa aad u kacsan, waxana lagu soo rogay Bandow, kadib markii duleedka magaalada ee dhinaca howdka saaka lagu dilay laba nin oo shacab ahaa.

Labada nin ayaa la sheegay in loo dilay aano qabiil, waxaana taasi keentay in abaabul ciidan ka bilowdo gudaha magaalada Laas-caano, waxaan Guddoomiyaha gobolka Sool Mustafe Cabdi Shiine uu ku dhaqaaqay inuu magaalada Bandow kusoo rogay.

Shiine, ayaa shaaciyey inaan la ogolayn wax gaadiid ah oo gudaha magaalada soo geli kara iyo mid ka bixi kara, waxana heegan buuxa la geliyey ciidamada booliiska oo fariisimo waaweyn ka samaystay dacallada magaalada.

Dhibka ka taagan magaalada Lascanod, ayaa waxa uu ka dhashay isku dhac laba beelood oo gobolka Sool wada dega ka dhex qarxay horraantii bishan June, kaas oo haatan kusoo fiday dhanka magaalooyinka

Ilaa iyo imika wararka dagaalka labada beelood laga helayo ayaa sheegaya in khasaaraha dhimashadu gaadhay ilaa iyo 46­qof oo dhimasho ah, halka dhaawacu kor u dhaafay 50­qof.

Xukuumadda Somaliland, ayaa dhawaan xabsiga dhigtay ilaa Konton Oday oo labada dhinac ee dagaallamaya kasoo kala jeeda, balse arrintaasi waxba kama badalin xiisaddii taagnayd.

Baaqyo kala duwan oo ay direen shacab iyo siyaasiyiin ayaan wali hirgalin mana jirto wax tallaabo muhiim ah oo ay qaateen maamullada ka taliya gobolka iyo dowladda Ethiopia oo daris ah goobaha lagu dagaallamayo.

GAROWEONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM