Xiisad ka taagan magalada Galkacyo gobolka Mudug

Image

28 November, 2015(GO)-Waxaa maanta magalada Galkacyo xarunta gobolka Mudug ka socota xiisad dagaal oo u dhaxaysa maamullada Puntland iyo Galmudug, taaso billaabatay saka ka dib markii labada ciidan isu soo dhawaansho sameeyeen, suuq lagu magacaabo Darxumo.

Labada dhinac ayaa isweydaarsanaya hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana wararka aan helayno sheegayaan inay jiraan dhawac labada dhinac.

Dagaalka, ayaa hadda socda kantaroolka Koonfureed ee degmadaasi, iyadoo arrintani saamaysay goobaha ganacsiga, waxbarashada iyo isu socodka.

Cid ka hadashay xiisaddan ma jirto, waxayna ku soo beegantay xilli madax ka socota Federaalka Garowe u yimaadeen xal laga gaaro khilaafka taagan.

Iskudhaca labada maamul, ayaa ka dhashay waddo laami la saarayo taasi oo Puntland ka hirgalin lahayd xaafadda Garsoor.

Tan iyo markii 22 November, Galkacyo ka bilaabatay dagaalkan, waxaa magalada ka qaxayay dadka shacabka, waxgarad iyo ganacsato labada dhinac ah ayaana degmada ka waday wadahadal nabadeed kaasoo bur-buray.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM