Xiisaddii deegaanka Qarxis oo heshiis rasmi ah laga gaarey

Image

July 19, 2015 (GO)- Waxaa heshiis rasmi ah laga gaarey xiisaddii ka aloosneyd deegaanka qarxis ee u dhexeysey saraakiisha hoggaaminayey ciidamada gadoodsan iyo dowladda Puntland.

Waan-waanta oo muddo labo bilood ku dhow soo socotey islamarkaana marxalado badan soo martey waxaa ugu dambeyntii lasoo afjaray xalay, kadib markii labada dhinac tanaasul badan sameeyeen islamarkaana si wadajir ah nabad u qaateen.

Heshiiska waxaa qayb libaax ka qaatey Ra'isal Wasaaraha Dowladda Federaalka Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaan Axmed Madoobe.

Waxaa sidoo kale kaalin weyn ku lahaa Islaan Ciise, Suldaan Garaase, Wasiirka Amniga Puntland iyo qaar kamid ah culimaa'uddiinka iyo waxgaradka sida weyn looga tix geliyo Puntland.

Maxaa lagu heshiiyey?

Qodobada ugu muhiimsan ee lagu heshiiyey waxaa kamid ah:

  1. In ciidamada gadoodsan lasoo xereeyo dibna ay ugu soo noqdaan saldhigyadii ay ka hawlgeli jireen.
  2. In dowladdu kafaalo qaaddo ammaanka Gen. Muxiyadiin iyo Col. Cabdiyare maadaama ay yihiin saraakiil usoo shaqeeyey hay'adaha ugu sarreeya amniga.
  3. In dib u qarameynta ciidanka uu hormuud ka noqdo Gen. Siciid Dheere.
  4. In dowladdu si siman ula dhaqanto ciidamada islamarkaana siiso xuquuqda ka maqan.
  5. In laga wada-shaqeeyo amniga, meelna looga soo wada jeesto cid kasta oo loo arko inay jebisey qodobadii lagu heshiiyey.

Dadka reer Puntland ayaa si weyn usoo dhoweeyey heshiiska taariikhiga ah ee laga gaarey xiisadda Qarxis, maadaama Puntland xilligan ku jirto xaalad adag oo aysan xamili karin qalalaase gudaheeda ka dhaca.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM