Xil wareejin ka dhacday caasimadda Puntland [DAAWO]

Image
Image

GAROOWE, Puntland - Waxaa shalay Caasimadda Puntland, ee Garoowe ka dhacday munaasabad uu xafiiska kula wareegay gudoomiyaha cusub ee gobolka Nugaal, Cabdisalaan Xasan Xirsi (Gu' jir).

Gu' jir oo 24-kii bishii hore xilka u magacaabay Madaxweyne Gaas ayaa xilka kala wareegay gudoomiyihii hore Cumar C/llaahi Fara-weyne kadib xaflad ka dhacday Hoolka shirarka ee xarunta gobolka Nugaal.

Waxaa ka qayb galay munaasibadaasi xubno ka tirsan gollaha xukuumadda Puntland, Taliyayaasha ciidamada, gudoomiyayaal, Nabadoono, Haween iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Garoowe.

Fara-weyne oo xafladda xil-wareejinta khudbad ka jeediyey ayaa ka hadlay waxqabadkiisii saddexdii sano ee uu xilka hayey, isagoo dhanka kale balan-qaadey inuu la shaqayn doono gudoomiyaha cusub.

"Dhamaan gollayaasha deegaanka ee gobolka Nugaal way ka dhacsanayeen wakhtiga waxaan dhisnay afartii dagmo ee gollayaashoodii deegaanka oo kasoo saarnay golle cusub iyo maamul cusub oo la jaanqaadi kara wakhtiga cusub," ayuu yiri Cumar Fara-weyne.

Gu' jir oo isna goobtaasi ka hadlay ayaa mahad celin kadib sheegay in dhankiisa uusan wax badan qaban karin maadaama muddo yar ay ka hartay doorashada madaxtinimada Puntland lagana rabo shacabka ku dhaqan caasimadda in ay si wada jir ah ula shaqeeyaan il gaar ahna loo yeesho sugida amaanka.

"Xiliga kala guurka Puntland ee isbadalka siyaasadeed waxa ka dhiman Saddex bilood baa ugu badnaan, xiligaas hawshaas Cumar soo qabtay iyo jaaniskaas uu helay maaha mid aan anigu nasiib ahaan u helay ee waa mid Labadaas bilood iyo Saddexaad bilood wixii igu soo beegma markaas waxaan qabankaa way iska yar yihiin," ayuu yiri gudoomiyaha cusub ee gobolka Nugaal.

Ugu dambeyntii ayaa waxaa iyaguna halkaasi ka hadlay wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha iyo wasiirka amniga Puntland oo ku dheeraaday qaabka ugu haboon ee loo sugi karo amaanka caasimada Puntland ee Garoowe, waxaana ay baaqyo u direen waalidiinta oo ay ugu baaqeen in ay la shaqeeyaan ciidamada amaanka si looga hortago wax kasta oo khal khal gelin kara amaanka gobolka.

Caasimada Puntland ayaa waxaa ka dhici doona bilowga sanadka cusub ee 2019 doorashada madaxtinimada Puntland, waxaana la filayaa in dhawaan ay soo gaareen gudaha magaalada musharaxiinta ku loolamaya doorashada xili ay weli jiraan caqabado xoogan oo dhinaca amaanka ah oo haysta maamulka gobolka iyo kan degmada maadaama ay jiraan dhalinyaro iyo kooxo arimo khal khal galin ah kawada Garoowe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM