Xil wareejin ka dhacday madaxtooyada Puntland ee Garowe

Image
Image
Image

June 8, 2015 (GO)- Agaasimihii hore ee maamulka madaxtooyada Cabdimahdi Abshir Cismaan ayaa maanta si rasmi ah xilka ugu wareejiyey agaasimaha cusub Cabdinaasir Maxamuud Gurey.

Xaflad kooban oo loo qabtay xilwareejinta kana dhacday madaxtooyada Garoowe ayaa waxaa ka qeyb-galay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada  Deeq Sulaymaan Yuusuf, ku xigeenka agaasimaha guud  Cawil Xassan Daad iyo saraakiil kale oo ka tirsan madaxtooyada Puntland .

Cabdimahdi Abshir Cismaan ayaa madasha ka sheegay inuu si aad ah ugu faraxsan yahay xil wareejinta, wuxuuna agaasimaha cusub ku wareejiyey dhammaan dukumiintiyadii shaqad.

Agaasimaha guud ee madaxtooyada Deeq Sulaymaan Yuusuf iyo ku-xigeenkiisa Cawil Xasan Daad ayaa dhankooda si aad ah u soo dhaweeyey shaqada wanaagsan ee uu soo qabtay agaasimihii hore kuna booriyey agaasimaha cusub inuu dadaalka halkaas kasii wado.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM