Xildhibaan caan ah oo lagu dilay Gaalkacyo [Fahfaahin]

Image

GAALKACYO, Soomaaliya - Xildhibaan katirsanaa Baarlamaanka dowladda Puntland ayaa caawa fiidkii lagu dilay gudaha magaalada Gaalkacyo, ee xarunta gobolka Mudug.

Allah ha u naxariistii Xildhibaan Cabdixakiim Maclin Daahir ayaa lagu dilay nawaaxiga Classic hotel, halkaasi oo ay kusoo weerareen koox hubaysan oo aan heebtooda la aqoonsan wali.

Saraakiisha amaanka oo goobta gaarey ayaa sheegay in Xildhibaanka uu soo gaarey dhaawac kadibna loola cararay Isbitaalka GMC ee ku yaalla magaalada halkaasi oo ugu dambeyntii uu ku geeriyoodey.

Askari ilaalo u ahaa Xildhibaanka ayaa lagu dilay sidoo kale weerarka. Dableydii fulisay dilka ayaa goobta ka baxsatay kahor inta aysan Ciidanka amniga soo gaarin.

Xildhibaan Cabdixakiim ayaa mudo 6 sano ah kasoo mid ahaa Baarlamaanka Puntland, isagoo laga soo doortey gobolka Mudug, oo caawa magaalo madaxdiisa lagu dilay.

Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda dilka, balse Kooxda Al Shabaab ayaa horey dilal noocan ah uga fulisay magaaladana kala qeybsan, oo sidoo kale ay ka dhacayeen dilalka aanooyinka la xiriira.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM