Xildhibaan ka hadlay hubka Puntland ku eedaysay Federaalka

Image

01 December, 2015(GO)-Xildhibaan Cabdi Barre Yusuf Jibriil oo ka mida mudanayaasha Barlamanka Somalia, kuna sugan magalada Galkacyo ayaa ka hadlay hubka Puntland ku eedaysay Federalka inay ku taageertay maamulka Galmudug.

Barre ayaa tilmaamay inuu arrinkaasi xaqiiqo yahay, balse loo ballamay inaan waqtigan laga hadlin maadama jiraan dad ku dhibaataysan meelaha Galkacyo ka baxsan kuwaasi oo ku barakacy xaaladda ka taagan degmadaasi.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale xusay inaan hubkaasi loo keeni si waadax ah, laakiin qaab qarsoodi ah lagu soo gudbiyay, wuxuuna tibaaxay in la soo bandhigi doono cadaymaha loo hayo.

Hadalka Xildhibaanka, ayaa imaanaya xilli maamulka Puntland sheegtay in dowladda Federalka hubaynayso Galmudug ka dib dagaalo dhacay 22 iyo 28 bishan November.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Puntland oo baaraysa gacmo shisheeye oo lala xiriirinayo kororka burcad-badeedda

Puntland waxay sheegtay in duqeymaha noocaas ahi ay dhaawici karaan iskaashiga…

  • Puntland

    21-08-2026

  • 07:55PM

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM