Xildhibaan Coonka: "mooshin banaanka laga keenay aqabali mayno"

Image

November 15, 2014 (GO)- Xildhibaan Cabdulaahi Axmed Xuseen Coonka oo kamid ah xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ee kasoo horjeeda mooshinka laga keenay xukuumadda Ra'iisul Wasaare Cabdiweli Shiikh Axmed ayaa faah faahiyey sababta keentay inay mooshinkaas ka hor yimaadaan.

Wuxuuna sheegay in baarlamaanku yahay hay'ad madax banaan islamarkaana awoodeheeda gaarka ah leh ayna mudan tahay inan lasoo faragelin shaqooyinka baarlamaanka.

Dhanka kale Xildhibaan Coonku wuxuu sheegay in Guddoonka Baarlamaanku isku dayey inuu dhex dhexaadiyo labada gabarab ee xildhibaanada islamarkaana dhinac kasta laga codsaday inuu keeno 11 xildhibaan oo metela, haseyeeshee qorshahaas xildhibaanada mooshinka keenay kasoo horjeesteen.

GAROWE  ONLINE

Related Articles

Deni: Dalal Shisheeye ayaa doonaya inay Burcad-badeednimada u Adeegsanaya Boobka Khayraadka Puntland

Deni ayaa sidoo kale xusay hawlgalladii hore ee ciidamada badda ee dalalka shisheeye ay ka fuliyeen xeebaha Soomaaliya.

  • Puntland

    31-08-2026

  • 06:09AM

Dhulgariir cabbirkiisu yahay 6.0 oo ka dhacay xeebaha Puntland

Wasiirku wuxuu intaas ku daray in dadka dhulka ku nool aysan dareemin gariirka, sababo la xiriira fogaanta uu dhulgariirku ka dhacay.

  • Puntland

    30-08-2026

  • 11:53AM