Xildhibaan Coonka: "mooshin banaanka laga keenay aqabali mayno"

Image

November 15, 2014 (GO)- Xildhibaan Cabdulaahi Axmed Xuseen Coonka oo kamid ah xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ee kasoo horjeeda mooshinka laga keenay xukuumadda Ra'iisul Wasaare Cabdiweli Shiikh Axmed ayaa faah faahiyey sababta keentay inay mooshinkaas ka hor yimaadaan.

Wuxuuna sheegay in baarlamaanku yahay hay'ad madax banaan islamarkaana awoodeheeda gaarka ah leh ayna mudan tahay inan lasoo faragelin shaqooyinka baarlamaanka.

Dhanka kale Xildhibaan Coonku wuxuu sheegay in Guddoonka Baarlamaanku isku dayey inuu dhex dhexaadiyo labada gabarab ee xildhibaanada islamarkaana dhinac kasta laga codsaday inuu keeno 11 xildhibaan oo metela, haseyeeshee qorshahaas xildhibaanada mooshinka keenay kasoo horjeesteen.

GAROWE  ONLINE

Related Articles

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM

Puntland oo Qabanaysa Shir Ku saabsan Dhismaha Dawladnimada Soomaaliya

Madaxweyne Deni ayaa intaa ku daray, “Siyaasiyiintu mararka qaar waxay leeyihiin danahooda gaarka ah.

  • Puntland

    11-12-2025

  • 09:39AM