Xildhibaan ka tirsanaa barlamanka PL oo Garowe ku geeriyoodey

Image

March 21, 2015 (GO)- Xildhibaan ka tirsanaa barlamanka Puntland ayaa saaka ku geeriyoodey magaalada Garoowe. Xildhibaanka oo lagu magacaabi jirey Siciid Agandi xanuun ayuu la jiifey todobaadyadii u dambeeyey.

Siciid Cabdi Samatar (Surcad) oo isna ah xildhibaan kale oo ka tirsan barlamanka Puntland ayaa Radio Garowe u xaqiijiyey geerida xildhibaan Agandi, wuxuuna Ilaah uga baryey inuu u naxariisto qoyskiisana samir iyo iimaan ka siiyo.

"Ilaah ha u naxariisto Xildhibaan Agandi oo in muddo ah xanuunsanaa, qoyskii iyo qaraabadii uu ka tegeyna samir iyo iimaan haka siiyo" ayuu yiri.

Dhanka kale, Xildhibaan Surcad oo maanta wafdi uu kamid yahay dalka Kenya u duuleen ayaa ka warbixiyey ujeedada socdaalkooda.

Wuxuuna sheegay inay casumaad ka heleen Bankiga Adduunka islamarkaana magaalada Nairobi kaga soo qayb geli doonaan shir ku saabsan horumarinta Puntland.

Xubnaha wafdiga maanta Garowe ka dhoofey waxaa kamid ah mas'uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Qorsheynta Puntland iyo guddiga qorshenta ee barlamanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM