Xildhibaan Puntland oo eed loo jeediyay iska fogeeyay

Image

Garowe,Puntland 30.August [GAROWEONLINE] Xildhibaan Xasan Xaange Maxamed oo ka tirsan mudanayaasha Baarlamaanka Puntland oo shir jaraa'id uu ku qabtay magalada Garowe ayaa iska fogeeyay eed loosoo jeediyay inuu diinta caayay.

Maalin-nimadii Shalay ''Jimce'' ayaa masaajiyadda Garowe qaar ka mid ah Khudbadii laga jeediyay waxaa lagu soo qaatay in xildhibaankan caayay diinta Islaamka.

Xildhibaan Xaange ayaa sheegay inay dad ka dabeeyaan kuna tilmaamay cadaawad lagu damacsan yahay in lagu dilo.

Warar shalay kasoo baxay xarunta Baarlamaanka gadaheeda oo qaarkood lagu daabacay saxaafada ayaa sheegay in Xildhibaan Xaange iyo gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka is af dhaafeen taasoo la sheegay inuu diinta ku caayay.

Docda kale Xaange ayaa sheegay inaysan waxba ka jirin gef uu Baarlamanka u gaystay arrinta laga faafiyayna ay tahay been cad oo aan waxba ka jirin.

''Maadama aanu la socono marxaladda ay Somalia maanta ay ku sugan tahay gaar ahaan Gobaladeena siday wax uga dhacaan si fudud inta la ii dilo in la yiraaho waa murtid dabmi galay, arrintaas oo aan u arko inay ahayd shirqool cidii samaysayna waxay noqon doontaa ama cid dabnigaasi anniga ugu sifoobo ama iyaguu ku sifoobi doonaa,waxaan la tagi doonaa sharciga'' Xaanga ayaa shirkiisa jaraa'id ku sheegay.

Waa markii ugu horaysay qaar ka mid ah masaajiyadda magalada Garowe laga baahiyo in mudane ka tirsan Baarlamaanka uu diinta iyo illaahay u gafay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Duqeyn Cirka oo Mareykanku Ka Fuliyay Puntland

Wuxuu ballan qaaday in Mareykanku sii wadi doono taageerada uu siiyo ciidamada Soomaaliya si ay u gaaraan xasillooni buuxda.

  • Puntland

    08-07-2025

  • 12:35PM

Cabdirashid Yuusuf Jibriil oo la siiyay waddo nabadgelyo ah oo uga baxay Ceelbuh 

Dhanka kale, ciidamada Puntland ayaa ogaadey inay jiraan qorshayaal ay wasiirro iyo xildhibaanno ka socda Muqdisho.

  • Puntland

    07-07-2025

  • 06:36AM