Xildhibaan Siciid Nuur Cagool oo Galkacyo lagu diley

Image

May 8, 2015 (GO)- Xildhibaan ka tirsanaa barlamaanka Puntland ayaa caawa lagu diley magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug.

Xildhibaan Siciid Nuur Dirir (Siciid Lugool) oo kamid ahaa mudanayaasha siyaasad ahaan aad ugu dhow madaxweynaha Puntland Cabdiwlei Cali Gaas ayaa waxaa toogtey dabley hubeysan salaadii maqribka kaddib, isagoo kasoo  baxaya  masjidka Abu Hureyra ee xaafadda Israac.

Dableyda dilka fulisey oo aan ilaa iyo hadda haybtooda la aqoonsan ayaa tacshiirad ku furey xildhibaanka kadibna labo bumbo oo nooca gacanta ah tuurey.

Waa xildhibaankii labaad oo ka tirsan Barlamanka Puntland ee muddo bil gudaheed ah weerar qorsheysan lagu dilo. Bishii lasoo dhaafey ee April 18-keedii, waxaa magaalada Muqdisho sidan oo kale loogu toogtey Xildhibaan Aadan Xaaji Xuseen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni: Dalal Shisheeye ayaa doonaya inay Burcad-badeednimada u Adeegsanaya Boobka Khayraadka Puntland

Deni ayaa sidoo kale xusay hawlgalladii hore ee ciidamada badda ee dalalka shisheeye ay ka fuliyeen xeebaha Soomaaliya.

  • Puntland

    31-08-2026

  • 06:09AM

Dhulgariir cabbirkiisu yahay 6.0 oo ka dhacay xeebaha Puntland

Wasiirku wuxuu intaas ku daray in dadka dhulka ku nool aysan dareemin gariirka, sababo la xiriira fogaanta uu dhulgariirku ka dhacay.

  • Puntland

    30-08-2026

  • 11:53AM