Xildhibaan Sucad oo u sharaxan jagada Gudoomiyaha Barlamanka Puntland

Image

08 November,2015(GO)-Xildhibaan Cabdi Saciid Samatar oo ka mid ah mudanayaasha Barlamanka Puntland ayaa maanta shaaciyay inuu u taaganyahay jagada Gudoomiyaha Barlamanka.

Surcad ayaa tilmaamay in arrintan shaacinteeda ku timi la tashiyo kala duwan oo la yeeshay saaxiibadiisa siyaasada iyo qaar ka mid ah Xildhibaanada.

Xildhibaan Surcad maaha mudanihii u horeeyay oo jagadan isu soo taaga, balse waxaa ugu cad cad Xildhibaan Axmed Cali Xaashi iyo Cabdixakiim Dhoobo-dareed.

Shacabka ku nool magalaada Garoowe ayaa aragtidooda ka dhiibtay iyagoo la hadlay Radio Garoowe.Halkan ka dhagayso aragtida dadweynaha.

Barri oo Isniin ah ayaa la dooran doonaa gudoomiyaha Barlamanka Puntland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM