Xildhibaan u sharaxan Gudoomiyaha Barlamanka Puntland [Dhagayso]

Image
Image
Image

28 Octobar, 2015(GO)-Xildhibaan Maxamed Axmed Ibrahim oo ka mid ah mudanayaasha Barlamanka Puntland ayaa galabta ku dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan jagada Gudoomiyaha Barlamanka Puntland, ka dib is-casilaadii Siciid Xasan Shire.

Waxaa uu sheegay Xildhibaanku inay arrintaasi ku kaliftay ka dib markii ay u muuqatay inuu ka soo bixi karo howlaha Barlamanka isagoo kaashanaya khibaradiisa aqooneed.

Maxamed Axmed oo tilmaamay inuu yahay musharaxii ugu horeeyay ee jagadan isu taaga, ayaa ugu baaqay Xildhibaanada Puntland, inay ku taageeraan codkooda.

Shacabka Puntland ayuu ku amaanay kalinta ka gaystaan nabadda iyo xasiloonida waddanka, isagoo ugu baaqay inay ilaashadaan.

Xildhibaanka Maxamed Axmed Ibrahim oo ku 1983-dii ku dhashay gobolka Nugal ayaa wax ku soo bartay dalka iyo dibadiisa sida uu ku sheegay.

Waxaa  jira murashixiin gaaraya tobaneeye, kuwaasi oo la sheegay inay u taaganyihiin jagada Gudoomiyaha Barlamanka Puntland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Deni: Dalal Shisheeye ayaa doonaya inay Burcad-badeednimada u Adeegsanaya Boobka Khayraadka Puntland

Deni ayaa sidoo kale xusay hawlgalladii hore ee ciidamada badda ee dalalka shisheeye ay ka fuliyeen xeebaha Soomaaliya.

  • Puntland

    31-08-2026

  • 06:09AM

Dhulgariir cabbirkiisu yahay 6.0 oo ka dhacay xeebaha Puntland

Wasiirku wuxuu intaas ku daray in dadka dhulka ku nool aysan dareemin gariirka, sababo la xiriira fogaanta uu dhulgariirku ka dhacay.

  • Puntland

    30-08-2026

  • 11:53AM