Xildhibaan Xasan Xaange oo maanta is casiley

Image

November 10, 2014 (GO)- Xildhibaan Xasan Xaage Maxamed oo muddo lix sano ah kusoo jirey Baarlamaanka Puntland ayaa maanta golaha hortiisa ka shaaciyey inuu xilkaas iska casiley.

Xildhibaanku wuxuu is casilaadiisa u sababeeyey arimo caafimaad iyadoo markii dambena cod gacan taag ah loo qaaday in baarlamaanku  is casilaadiisa aqbalay iyo in kale.

Sida qaar kamid ah xildhibaanada Baarlamaanku GO u sheegeen, waxay dhammaan xildhibaanadii fadhiga maanta soo xaadiray aqbaleen istiqaalada uu keenay Xasan Xaange marka laga reebo hal xildhibaan oo ka aamusay.

Warar madax banaan oo GO heshay ayaa tibaaxaya in Xildhibaan Xasan Xaange ka tanaasuley xubinimadiisa baarlamaanka, kadib markii uu ka warhelay mooshin isaga ka dhan oo qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanku todobaadyadii u dambeeyey wadeen iyo weliba dacwad loo gudbiyey xeer ilaalinta maxkamadda sare.

Xildhibaanada mooshinkaas soo abaabulay ayaa ku doodaya in Xasan Xaange mudneyn inuu Golaha Wakiillada Putland kasii mid ahaado, maadaama sida ay sheegeen uu ku xadgudbay xurmada diinta Islaamka.

Bishii August ee lasoo dhaafay dabayaaqadeedii waxaa Xildhibaan Xaange lagu soo eedeeyey inuu diinta caayey kadib markii xarunta baarlamaanka dhexdeeda isaga iyo xildhibaan kale isku maan dhaafeen.

Maalin kadib markii warkaasi soo baxay oo ku beegnayd [Jimce, August 29, 2014] masaajida magaalada Garowe qaarkood ayaa khudbada Jimcaha kusoo qaatay eedeynta loosoo jeediyey xildhibaanka.

Xaange oo shir-jaraa'id qabtay [Sabti, August 30, 2014] wuxuu gebi ahaanba iska fogeeyey eedeynta loosoo jeediyey isagoo sheegay inay tahay mu'aamarad isaga ka dhan ah oo dabada ka riixayaan shaqsiyaad cadaawad gaar ah u haya waa sida uu hadalka u dhigaye.

Xildhibaanka is casilay oo lixdii sano ee ugu dambeeyey kamid ahaa Golaha Baarlamaanka Puntland wuxuu baarlamaanka kasoo galay gobolka Mudug.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo weeraray goob uu ku sugan yahay ku-xigeenka Hogaamiyaha Daacish

Wararka ayaa intaasi ku soo beegmaya iyadoo ciidamada Puntland ay si weyn uga go’an tahay in ay burburiso xarumaha muhiimka ah.

  • Puntland

    13-10-2025

  • 12:45PM

Ciidamada Puntland oo Guulo Weyn Ka Gaaray dagaalka Buuraleyda Cal-Miskaad

Hawlgalka ayaa sidoo kale lagu helay meydadka dagaalyahanno la rumeysan yahay in lagu dilay duqeymo uu qaaday AFRICOM.

  • Puntland

    06-10-2025

  • 01:11PM