Xildibaan Siciid Nuur oo Gaalkacayo aas qaran loogu sameeyey

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

May 9, 2015 (GO)- Magaalada Gaalkacayo waxaa saaka aas qaran loogu sameeyey AHN Xildhibaan Siciid Nuur Dirir oo xalay dabley hubeysni isla magaalada Gaalkacayo ku dishey.

Aaska xildhibaanka waxaa kasoo qayb galay mas'uuliyiin dowladda ka tiran oo uu kamid yahay madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Cumar Camey.

Waxaa sidoo kale aaska kasoo qayb galay xildhibaanno, xubno ka tirsan golaha wasiirrada, saraakiil ciidan, isimmo, culimaa'uddiin iyo boqollaal dadweyne ah.

Madaxweyne ku-xigeenka oo si kooban warbaahinta ula hadlay ayaa Ilaah uga baryey marxuumka inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo eheladii iyo qaraabadii uu ka tegeyna samir iyo iimaan ka siiyo.

Camey ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Puntland gacanta kusoo dhigi doonto sharciga la horkeeni doono ciddii ka dambeysey dilka Xildhibaan Siciid Nuur.

Mas'uuliyadda dilka xildhibaanka waxaa sheegtay ururka Al-shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM