Xisaabiyaha gobolka Mudug oo isku day dil ka badbaadey

Image

February 3, 2015 (GO)- Waxaa goor dhow isku day dil ka badbaadey xisaabiyaha xafiiska Wasaarada Maaliyada Puntland ee gobolka Mudug Siciid Cali Yuusuf (Gaada yare).

Qaraxa nooca dhulka lagu aaso ee meelaha fog laga hago ah ayaa lala beegsaday gaariga mas'uulkaas xilli uu xafiiskiisa kusoo jeeday.

Wax dhibaato ahi Gaada-yare qaraxa kama soo gaarin, marka laga reebo gaarigiisa oo qaybta dambe ka burburay.

Siciid Cali Yuusuf “Gaada yare” wuxuu laga soo bilaabo sanadkii 1999 soo ahaa xisaabiyaha xafiiska Wasaarada Maaliyadda Puntland ee gobolka Mudug.

Bishii December ee lasoo dhaafay, waxaa isku day dil oo caynkan oo kale ahaa ka badbaadey guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee gobolka Mudug Farxaan Cali Xirsi.

Faah faahin dheeri ah dib ayaan idiinka soo gudbin doonnaa...

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland oo Muujiyay Inay Yihiin Laf-Dhabarta Amniga Soomaaliya

Howlgalladan guuleystay ee PDF ayaa noqonaya mid xoojinaya doorka Puntland ee ku aaddan la-dagaallanka argagixisada.

  • Puntland

    20-08-2025

  • 06:23AM

Ciidamada Puntland oo Horumar Ballaaran Ka Sameeyay Dagaalka ISIS ee Buuraha Cal-Miskaad

Cutubka 1-aad ee ciidamada difaaca Puntland ayaa howlgallo is-daba-joog ah ka wada jihooyin badan oo buuraleyda Cal-Miskaad ah.

  • Puntland

    18-08-2025

  • 12:40PM