Xisbiga Horseed oo dugsi ka dhisaya magaalo 20 sano aan waxbarasho lahayn

Image
Deegaanka Salaxlay ayaa GAROWE Ka xiga dhanka Koonfureed,wuxuuna qiyaastii u jiraa 20km.

MUQDISHO, Soomaaliya - Xisbiga Horseed oo magaalo 20 sano aan waxbarasho lahayn Dugsi ka dhisaya.

Musharax xildhibaan Abdidaahir Abshir Maxamuud oo ka sharaxan Xisbiga Horseed iyo Masuuliyiin kale ayaa deegaanka Salaxlay ka dhagax-dhigay Dugsi Hoose dhexe,waxaana ka qayb-galay munaasabadda dhagax-dhigga qaarka mid ah mas’uliyiinta xisbiga,Nabadoono iyo dadka deegaanka.

Shacabka deegaanka Salaxlay ayaa Xisbiga Horseed uga mahad-celiyay Dugsiga ay u dhisayaan,waxayna tilmaameen in deegaanku uusan-lahayn goob waxbarasho,balse maanta loo bilaabay dugsigii ay ubadkooda wax ku bari-lahaayeen.

Musharax Xildhibaan Abdidaahir Abshir Maxamuud ayaa tilmaamay in dugsigaaan uu manta dhagax dhigay muddo dhow dhismihiisu dhammaanayo,wuuna xusay dhismahaan dugsigu uu yimid ka dib markii Xisbigu arkay baahida halkaan ka jirta.

Deegaanka Salaxlay ayaa GAROWE Ka xiga dhanka Koonfureed,wuxuuna qiyaastii u jiraa 20km.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo bilowday qorshe cusub oo lagu xoojinayo awoodda Booliiska

Mas’uuliyiinta booliiska ayaa tilmaamay in isbeddelka socda uu horseeday in dhalinyaradii waxbarashada dhammeysay.

  • Puntland

    01-11-2025

  • 06:16AM

Mareykanka oo duqeyn cirka ah ka fuliyay Buuraleyda CalMiskaad ee Puntland

Ciidanka Mareykanka ma aysan shaacin tirada khasaaraha ama faahfaahinta howlgalka, iyaga oo xusay cabsi amni.

  • Puntland

    29-10-2025

  • 09:31AM