XOG: Wasiirka Dekadaha Puntland oo xil u magacaabey gudoomiye hore

Image

GAROWE- Madaxweyne Gaas oo xilka ka qaadey Agaasimhii la dagaalanka burcad badeedka Puntland March 19,2017 Cabdirizaq Maxamad Dirir ayaa warsidaha Garowe online waxaa uu heley qoraal xusaya in Wasiirka Dekadaha Puntland Siciid Maxamad Raage oo Agaasinkaan oo hoos imaan jirey u magacaaabey Gudoomiyihii hore ee degmada Boosaso Yaasiin Mire Maxamud.

Qoraalkaa oo ku qoran luqada Ingriiska ayaa waxaa Wasiirka Dekadaha iyo la dagaalanka burcad badeedka ku sheegayaa in dowlada u magacowdey sarkaal arimaha khuseeya xiriirka amniga badaha xilkaas oo banaanaa tan iyo 2017.

Siciid Maxamad Raage oo qoraalkiisa ku socda hay'adaha dalka Soomaaliya ka tageera arimaha amniga badaha ayaa Gudoomiyhii hore u waydiinaya iney tageeraan sarkaalkaan cusub islamarkaana ka caawinaan wixii uu u baahan yahay.

Madaxweyne Gaas oo aan dib u magaacabin xilkaan tan iyo intii shaqada laga qaadey agaasimhii hore ee la dagaalanka burcad badeedka ayaa waxaa maamulkiisa lagu eedeeyaa inuu noqdey midka ugu musuqmaasuqa badan tan iyo intii maamulka Puntland dhidibada loo taagey.

Yaasiin Mire Maxamud ayaa xilkiisa waayey kadib markii golaha degaanka degmada Boosaso Madaxweyne Gaas uu kala direy isagoo xilkaas u dhiibey wasiir ku xigeenkiisa Maaliyada.

Raage ayaa magacaabistaan uu u sameeyey Gudoomiyihii hore ee degmada Boosaaso ayaa waxay ay u muuqataa iney qayb ka tahay musuqa ka jira nidaamka shaqo bixinta Puntland iyadoo ay gabaabsi tahay muddo xileedkii Madaxweyne Gaas.

Taalabada Raage ayaa sida warsidaha Garowe Online fahansan yahay waxay salka ku hayso musuqamaasuqa ka jira nidaamka shaqo bixinta hay'adaha maamulka Puntland kuwasoo madaxda xilalka sare haysa ku takri-falaan fursadaha shaqo ee kasoo baxa Wasaaradaha ay maamulayaan.

Puntland ayaa waxaa la filayaa in ka dhacaan doorashooyin sanadkaan dabayaqadiisa loo mari doono nidaamka 66 xildhibaan ay soo xulanayaan beelaha dagan maamulkaan.

Madaxweyne Gaas ayaa ku guuldareystey in maamulkaan gaarsiiyo nidaamka doorashada tooska ah ee shacabka kadib markii uu dhameytiri waayey halkii ay kaga tagtey dowladii uu madaxda ka ahaa Madaxweyinii hore ee Puntland Cabdiraxman Farole.

Waraaqdaan waa middii xilka looga qaadey agaasimihii hore ee la dagaalanka Burcad badeedka

Waraaqda Wasiir Raage uu ku magcaabey gudoomiyihii hore ee degmada Boosaaso

 

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM