Xoriyadda warbaahinta Puntland oo walaac laga muujiyey

Image

December 12, 2014 (GO)- Ururka weriyeyaasha aan xuduudka lahayn ee (RWB) ayaa walaac ka muujiyey xayiraadda horraantii bishan December ay Dowladda  Puntland kusoo rogtey afar kamid ah shabakadaha Soomaalida ee wararka laga dalaacdo.

Shabakadahan oo kala ah: Puntlandnow, Puntlandtoday, Galgalanews iyo Puntlander waxaa laga xanibay khadka shirkadda isgaarsiinta ee Golis oo iyadu ah tan ugu weyn guud ahaan deegaannada Puntland.

Mulkiilaha Puntlandnow.com ayaa sheegay in amarka Golis shabakadahaas ku xayirtey si toos ah uga soo baxay dowladda, haseyeeshee mas'uuliyiin ka tirsan maamulka Golis oo la hadlay Ururka RWB ayaa diidey inay arintaas xaqiijiyaan.

Dhanka kale, ciidamo ka tirsan booliska oo taliyaha gobolka Nugaal Axmed Cabdulaahi Samatar hogaaminayey ayaa December 7deedii gudaha u galay xarunta idaacada Radio Garowe, waxayna hakiyeen barnaamijkii warka oo markaas uu tebinayey weriye Cali Cabdi Ducaale. Booliska ayaa ugu hanjabey weriyaha inay xiri doonaan kadib markii uu baahiyey warar ku saabsan dibad-bax dadku ka dhigeen cashuur kordhin dowladdu sameysey.

"hab-dhaqanka maamulka Puntland waa wax laga murugoodo  aadna looga xumaado" sidaas waxaa yiri Cléa Kahn-Sriber oo ah madaxa xafiiska RWB ee Afrika, wuxuuna intaas raaciyey " saraakiisha booliska Puntland dhowaan waxay sheegeen in weerarrada kooxda Al-shabaab u geysaneyo weriyeyaasha aan gacamaha laga laaban doonin...Puntland waa in iyada qudheedu bilowdo inay xushmeyso xoriyadda saxaafada"

Walaac ayaa soo food saarey bahda warbaahinta Puntland kadib markii ay ka rajo dhigeen maamulka Madaxweyne Cabdiweli Gaas oo la filayey inuu wax badan ka bedeli doono xoriyadda saxaafada iyo xoriyatul qawlka.

Mucaaradka ayaa loo diidey inay afkaartooda siyaasadeed soo bandhigaan, waxaana xabsiga loo taxaabay siyaasiyiin dhaliilay dowladda uu Gaas hogaamiyo kuwaasoo laga xusi karo gudoomiyihii hore ee gobolka Mudug Cabdirashidi Dhuubane.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo bilowday qorshe cusub oo lagu xoojinayo awoodda Booliiska

Mas’uuliyiinta booliiska ayaa tilmaamay in isbeddelka socda uu horseeday in dhalinyaradii waxbarashada dhammeysay.

  • Puntland

    01-11-2025

  • 06:16AM

Mareykanka oo duqeyn cirka ah ka fuliyay Buuraleyda CalMiskaad ee Puntland

Ciidanka Mareykanka ma aysan shaacin tirada khasaaraha ama faahfaahinta howlgalka, iyaga oo xusay cabsi amni.

  • Puntland

    29-10-2025

  • 09:31AM