Xubno ka tirsan golaha wasiirada PL oo socdaal shaqo ku jooga Mudug

Image

December 24, 2014 (GO)- Xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Puntland ayaa socdaal shaqo maalmihii u dambeeyey ku marayey deegaano ka tirsan gobolka Mudug.

Wafdigan oo Wasiirka Hawlaha Guud iyo Gaadiidka Puntland Cabdirashiid Maxamed Xirsi hogaaminayo waxaa sidoo kale qayb ka ah, wasiiru dawlaha kalluumaysiga, wasiir ku xigeenka caafimaadka iyo agaasimaha hay'ada wadooyinka.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac Tigey oo maanta la hadlay Radio Garowe ayaa ka warbixiyey ujeedada socdaalka ay wefigaasi gobolka Mudug ku tageen.

Wuxuuna sheegay inay ujeedada koowaad ahayd sidii ay ugu kuurgeli lahaayeen xaaladda guud ee gobolka islamarkaana qiimeyn ugu soo sameyn lahaayeen mashaariic horumarineed oo gobolka laga wado.

Deegaanada mas'uuliyiintaasi booqdeen waxaa kamid ah degmada Garacad halkaaso bulshadu ugu soo gudbisey cabasho xooggan oo la xiriirta maraakiibta jiriifka ee sida sharci darrada ah badaha Puntland uga kaluumeysta. 

Dowalda Madaxweyne Cabdiweli Gaas ayaa horay u sheegtay inay la dagaalami doonto kalluumaysiga sharci darrada ah inakastoo aysan ilaa iyo hada jirin wax tallaabo ah oo dhankaas loo qaaday.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni: Dalal Shisheeye ayaa doonaya inay Burcad-badeednimada u Adeegsanaya Boobka Khayraadka Puntland

Deni ayaa sidoo kale xusay hawlgalladii hore ee ciidamada badda ee dalalka shisheeye ay ka fuliyeen xeebaha Soomaaliya.

  • Puntland

    31-08-2026

  • 06:09AM

Dhulgariir cabbirkiisu yahay 6.0 oo ka dhacay xeebaha Puntland

Wasiirku wuxuu intaas ku daray in dadka dhulka ku nool aysan dareemin gariirka, sababo la xiriira fogaanta uu dhulgariirku ka dhacay.

  • Puntland

    30-08-2026

  • 11:53AM