Xubno kamid ah Guddoonka Barlamanka oo Gaas ku taageersan muddo kordhinta

Image

GAROOWE, Puntland- Qaar kamid ah Guddoonka sare ee Barlamanka Puntland ayaa u ololaynaya in muddo sannad ah loo kordhiyo xukuumadda uu hogaamiyo Madaxweyne Gaas sida uu ogaaday Warsidaha Garowe Online.

Qaar kamid ah Xildhibaanada Puntland oo la hadlay Garowe Online ayaa sheegay in mas’uuliyiinta sare ee ku jira Guddoonka ay dedaal ugu jiraan Sidii golaha looga dhaadhicin lahaa muddo kordhin sharciga aan waafaqsaneyn iyagoo sabab uga dhigaya in ay lagama maarmaan u tahay xaaladdu dalku ku jiro.

Guddoomiye ku-xigeenka 1aad iyo 2aad ee Barlamanka Puntland ayaa arrintan heshiis kula ah Madaxweyne Gaas oo muddooyinkii dambe aad u raadinayay in loo sameeyo muddo kordhin ay ku xiriirinayaan colaada Tukaraq.

Cabdixamiid Sheekh Cabdisalaam iyo Xuseen Xaaji Yaasiin Diiriye ayaa muddo kordhinta ay raadinayaa si hoose u wada iyagoo kulamo la qaatey Madaxwynaha iyo xubno kale oo aad ugu dhow.

Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Barlamanka Puntland ayaa cabsi qaba in beeshiisa dib u soo dooran waydo madaama uu Barlamanka ka tirsanaa tan iyo intii maamulkaan dhidibada loo taagey sanadkii 1998.

Tallaabadan ayaa soo shaacbaxaysa xilli maanta goluhu ansixiyay Ajandaha kalfadhiga 41aad ee Barlamanku ka doodi doono mudada uu furanyahay.

Talabadaan ayaa waxaa horey uga digey siyaasiyiin u sharaxan xilka Madaxweynaha Puntland kuwasoo sheegey in talaabo noocaan ah maamulkaan u horseedeyso jahawareer iyo sharciyada dowladnimada oo meesha ka baxda. Halkaan Ka Akhri 

Dhinaca kale warar ayaa sheegaya in qurba joog badan oo ka timid waddanka dibadiisa kuwasoo Madaxweynaha qaarkood waraabiyo dhow yihiin dedaal ugu jiraan sidii loo siyaadin lahaa waqti xileedka xukuumadda.

Dedaaladan ayaa imaanaya xilli Madaxweynaha Puntland cabsi ka qabo in dib loo soo dooran waayo Jan 8,2018 hadii markale uu kalsooni waydiisto xildhibaanada ay soo xulayaan beelaha dagan Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamadda Puntland oo qabtey nin ku hubaysan walxaha qarxa

Howlgalkan ayaa xalay saqdii dhexe waxa uu ka dhacay qeybo kamid ah magaalada Boosaaso.

  • Puntland

    13-05-2024

  • 05:32PM

Puntland iyo Sweden oo ka shiray iskaashi dhanka mashaariicda horumarinta

Madaxweyne Deni ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Safiirka Dowladda Sweden ee Soomaaliya, Joachim Waern.

  • Puntland

    13-05-2024

  • 03:34PM