​Xubno kasocda UNSOM oo la kulmay Madaxda Puntland

Image

GAROWE, Puntland- Madaxda Puntland oo ay weheliyaan qaar kamid ah golaha xukuumadda, ayaa maanta xarunta madaxtooyada magaalada Garowe, kula kulmay, xubno kasocda xafiiska UNSOM ee Puntland.

Kulankan oo ahaa mid Albaabadu u xirnaa, ayaa labada dhinac uga wada hadleen arrimo ku aadan doorashada Somalia iyo abaaraha baahsan ee ka jira Puntland.

Madaxweyne Cabdiwali Cali Gaas, ayaa sheegay in Puntland ka jirto xaalad adag oo u baahan in wax laga qabto, isagoo intaas ku daray inay loo baahanyahay taageerada beesha Caalamka.

Dhinaca kale, wuxuu ka mahad-celiyay kulankan ay ugu yimaadeen isagoo tilmaamay inay soo dhaweynayaan dadaallada beesha caalamka ee doorashada dalka Somalia.

Aaward Bell, oo ah madaxda UNSOM ee Puntland, ayaa bogaadiyay hannaanka doorashada ee Somalia gaar ahaan doorashad Aqalka hoose ee iminka socota.

Bell, ayaa sidoo kale soo hadal qaaday nidaamka Dimuqraadiyadda ee Puntland, wuxuuna madaxweyne Gaas, faray inay u istaagaan sidii looga dhabayn lahaa isagoo xusay inay diyaar tahay taageerada Beesha Caalamka.

Kulankan UNSOM iyo Madaxweyne Gaas, ayaa yimid xilli uu maalintii shalay is-casilay Guddoomiyihii Guddiga doorashooyinka Puntland Axmed Kismayo oo go'aankaas u sababeeyay mid shakhsiyadeed inkastoo Madaxweyne Gaas lagu dhaliilay inuusan diyaar u ahayn ka dhabaynta nidaamkan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM