Madaxtooyada PL oo amar ku bixisay in la xiro Garowe Online [AKHRI]

Image

GAROWE Jan,20,2015 [GO]- Waraaqdaan oo ku taariikhysan Sept 20,2014 ayaa kasoo  baxdey xafiiska warfaafinta madaxweynaha Cabdiweli Cali Gaas waxeyna shirkada Isgaarsiinta Golis amar lagu siinayaa in gabi ahaan hawada Puntland ka saraan warsidaha Garowe Online iyo shabakada kale kuwasoo baahiya wararka maxaliga ah ee degaanadaan.

Qoraalkaan kasoo baxey xafiiska warfaafinta madaxweyne Cabdiweli Cali Gaas oo soo gaarey warsidaha Garowe online ayaa lagu eedeynayaa in shabakadan ka qayb qaadato Aflagaado loo gaysto madaxda Puntland, iska-horkeenid bulshada degaanka iyo abuuris xasilooni daro taasoo gabi ahaanba aysan ka muuqan sixiixa Wasaarada Warfaafinta Puntland iyo go'aan kasoo baxey maxkamad.

Shirkada Golis ayaa qoraalkaan waxaa  si toos ah amar u siinaya shaqsiga ku magacaabin xafiiska warfaafinta madaxweyne Gaas iney si deg-deg ah hawada uga saaraan websiyada ku xusan waraaqdaan kuwasoo uu ugu horeeyo warsidaha Garowe Online.

Dhinaca kale ururka saxafiyiinta Puntland ayaa muddo kala hadlayey xafiiska madaxweyne Cabdiweli Gaas in dib hawada loogu soo celiyo websiyada ay saameynta ku yeelatey qoraalkaan kuwasoo maanta warsaxafdeed ku aadan arintaas soo gaarsiiyey saxaafada Halkan ka akhri 

Shabakada Garowe Online oo sanadguuradeedi Tobnaad u dabaaldagtey Feb. 2014 ayaa gabi ahaanba beenineysa eedymahaan ku xusan waraaqdan aan wafaqsaneyn sharciga iyada dadka Somaliyeed iyo beesha caalamka ee nabada jecel u tabisa wararka lagu qoro Afafka Somaliga iyo Ingriiska. 

Maamulka sare ee Warsidaha Garowe online/Radio Garowe dhinaca kale ayaa cambaareyn u soo jeedinaya qoralkaan kasoo baxey xafiiska saxaafada madaxweynaha dowlada Puntland Cabdiweli Cali Gaas kaasoo aan wafaqsaneyn shuruucda saxaafada ee caalamiga ah iyo Dastuurka u yaala dowlada Puntland, waxaana ku baaqaynaa in si deg-deg loo furo websiyada ay saameynta ku yeelatey talabadaan lagu amrey shirkada Golis.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM