Xukuumadda Deni oo lagu eedeeyay marin-habaabinta shacabka

Image
Madasha Siyaasadda Puntland ayaa hoos-u-dhigtey in Jimcaha maanta ah lagu balamay wadahadalo.

GAROWE, Puntland - Warsidaha Garowe Online ayaa waxa uu ogaadey in uusan jirin heshiis siyaasadeed oo laga gaarey qabashada doorashooyinka goleyaasha degaanka ee lagu muransan yahay ee Puntland.

Ciidamo wada qalabka doorashooyinka halka dhinac ah iyo cutubyo kale oo diidan ayaa waxay wali isku-hor-fadhiyaan duleedka magaalada caasimadda ah Garowe.

Isimo kasoo jeeda degaanada SSC oo xalay war-saxafadeed ku qabtey Garowe ayaa si hal dhinac ah u shaaciyey in la xaliyey khilaafka coddeynta balse "waa sheegasho aan loo dhameyn".

"Isimadan lama kulmin darayfada kale duwan ee arinkaan welwelka ka qaba. Taas waxay hoos-u-dhigaysaa xaqiiqada warkooda," ayay GO u sheegeen qaar kamid ah siyaasiyiinta.

Beesha Caalamka oo walaac ka muujisay xasaradda siyaasadeed ee ka taagan Puntland ayaa ku baaqdey in is-maan-dhaafka lagu xaliyo wadahadal ay yeeshaan saamileyda.

Dhanka kale, Madasha Siyaasadda Puntland ayaa gaashaanka ku dhufatay in Jimcaha maanta ah uu qorsheysanaa kulan ama wadahadalo ku saabsan is-mari-waagga hareeyay doorashooyinka goleyaasha degaanka Puntland.

Juxa ayaa ciwaanadiisa baraha bulshadda waxa uu ku faafiyey sawiro muujinaya isaga iyo xubno kale oo fadhiya miis maran waxaana uu soo raaciyey qoraal ahaa in ay diyaar u yihiin wadahadalo.

Balse, madasha siyaasadda oo si degdeg ah uga falceliyey ayaa fariinta Juxa waxay ku tilmaameen isku-day la doonayo in lagu marin-habaabiyo shacabka iyo Beesha Caalamka.

Tani ayaa waxay ka dhigan tahay in uusan jirin wax heshiis ah oo laga gaarey doorashooyinka halka dhinac ee goleyaasha degaanka taas oo sababtay xasarad siyaasadeed oo soo jiidatay indhaha daneeyeyaasha caalamka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Markab Ganacsi oo Dab Qabsaday isagoo Kusoo jeeda Boosaaso, Puntland

Warbixinno dheeraad ah ayaa muujinaya in markabkan uu leeyahay shirkad lagu magacaabo HRM and Sons.

  • Puntland

    23-09-2025

  • 09:46AM

Lugatoor: Soomaaliya Halis ayay ugu Jirtaa Inay Ku Laabato Dowlad La’aan Haddii Federaalka La Ilaalin Waayo

Khilaafka u dhaxeeya Puntland iyo dowladda federaalka ah ayaa gaaray meel sare bishii Maarso 2024.

  • Puntland

    22-09-2025

  • 02:08PM