Xulka Kubadda Cagta Puntland oo Garoowe lagu soo dhaweeyay

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROOWE, Puntland- Kooxdii Puntland u matalaysay koobkii maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir ee lagu qabtay magaalada Muqdisho, ayaa maanta lagu soo dhaweeyay caasimadda Garoowe.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, xubno katirsan golayaasha dowladda, bulshada qaybaheeda kala duwan ayaa kooxdan kusoo dhaweeysay Garoonka diyaaradaha Kanooko ilaa ay galbis ku keeneen gudaha magaalada Garoowe, halkaasoo ay kula hadleen boqolaal kamid ah dadkii u taagnaa waddooyinka iyo fagaaraha ay caanka ku tahay Caasimadda Puntland.

Qaar kamid ah mas'uuliyiintii hogaaminaysay kooxdan ayaa u mahadceliyay shacabka Puntland, waxayna sheegeen in kubaddu tahay nasiib balse intii dedaalkooda ahayd u sameeyeen sidii ay koobka uga soo dejin lahaayeen Garoowe.

Guddoomiyaha gobolka Nugal, Cumar Faraweyne, ayaa shacabka ugu bishaareeyay in sannadka dambe Garowe ay martigalin doonto koobka maamul goboleedyada isagoo ka codsaday inay ka qayb qaataan soo dhaweytooda.

Cayaartoyda ayaa sidoo kale xusay inay sameeyeen cayaar wanaag iyo dedaal faro badan balse nasiibku ka hiiliyay iyagoo tilmaamay in sannadka dambe qaadi doonaan hadii Rabbi qadaro.

Shacbkii ka qayb qaadanayay soo dhaweynta oo dareenkooda warbaahinta la qaybsaday, ayaa sheegay in masaafada dheere iyo waqtigoodiiba ay usoo hureen sidii ay farxadda ula qaybsan lahaa Cayaaryahannada Puntland oo ay ku naaneyseen (Gallayro).

Wasiirka Shaqada, Shaqaalaha, Dhalinyarada iyo Cayaaraha Puntland, ayaa isna tilmaamay in xulku dedaal wanaagsan sameeyeen islamarkaana ka qayb qaateen sidii kor loogu qaadi lahaa sumcadda cayaaraha.

Xulkan ayaa sannadkan ku dhammaystay kaalinta 2aad koobkii Muqdisho, waxaana ka qaaday dhigooda Jubbaland oo ay sannadkii hore ka Rigoore looga qaaday.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM