Aabaha Ruqiya oo beeniyay inuu Gabadhiisa bixiyay, baaqna u diray DF

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Cabdullaahi Maxamed Axmed, oo ah Aabaha dhalay Gabadhii sababtay in la dilo Axmed Dowlo ayaa caddeeyay inuusan Gabadhiisa bixin, islamarkaana laga afduubay.

Kiiska Ruqiya ayaa abuurey dood adag, kadib markii qoyskeeda xubno katirsan, gaar ahaan dhanka hooyadeeda ay dil naxdin leh u geysteen Axmed Dowlo, oo adeer u ah wiilka ay is-caashaqeen ee Maxamed Cabdiraxmaan Mukhtaar, kasoo jeeda beelaha la heeb sooco.

Xubno ka tirsan Aqalka Hoose iyo mas'uuliyiin ka tirsan Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa qaban-qaabiyey guur ay u sameeyeen Ruqiya iyo wiilka dhalinyarada ah ee Maxamed kuwaasoo Villa Somalia dejisey mid kamid ah Hoteelada ugu qaabilsan Muqdisho.

Dadka qaarkood ayaa isla dhex-marayey in Aabaha dhaley Ruqiya uu raali ka ahaa guurka, laakiin isagoo markaan hadlay wuxuu sheegay in lagala soo baxsaday gabadha islamarkaana uusan bixin wilyaadeeda, isaga oo dowladdu ka dalbadey in loosoo celiyo.

"Ruqiya aniga ayaa aabaheeda ah, mana bixin, Afduub ayaa leygaga haystaa," ayuu yiri Aabo Cabdullaahi oo wariyaasha kula hadlay meel ku dhow hoygiisa oo ku yaala degmada Yaaqshid ee Muqdisho.

Taliska Booliska DF ayaa sheegay in kiiska lagu gubey Axmed Dowlo loo xirey 3 xubood oo ay ku jirto Hooyada Ruqiya, kuwaasi oo haatan xabsi ku jira, xili uu sheegay inay cadaaladda la horgayn doono, inkasta oo aanan wali maxkamad lasoo taagin.

Aabo Cabdullaahi oo soo hadal-qaadey arrinkaasi, ayaa oo laamaha amaanka dowladda Soomaaliya ka codsadey inay soo daayaan xaaskiisa iyo labada shaqsi ee kale ee la xirey, isagoo sheegay in wax dambi ah aysan gelin, siduu hadalka u dhigay.

"Gabadheyda anniga ayaa dhalay, dowladda Soomaaliya waxaan ka codsanayaa inay iisoo daayeen xaaskeyga," ayuu hadalkiisa kusoo xirey Aabo Cabdullaahi Maxamed Axmed.

Sheekadda ku saabsan Ruqiya iyo jeceylkeeda ayaa noqotey midda ugu hadalheynta badan, iyadoo dowladda Soomaaliya lagu dhaliilay qaabka ay uga fal-celisay kiiskaan, taasoo dadka ka hadley uu ku jiro Xasan Daahir Aweys.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hormuud Salaam Foundation oo Xarigga Ka Jartay Laami Muhiim ah oo Ay Ka Dhistay Xaafadda Calanleey ee Kismaayo

Laamigan cusub, oo ay maalgelisay Hormuud Salaam Foundation waxaa hirgelisay shirkadda dhismaha ee Al-Buruuj.

  • Soomaliya

    14-05-2025

  • 06:24PM

Qaxootiga Cadaanka Koonfur Afrika oo soo gaaray Mareykanka

Markii ay soo gaareen garoonka Washington Dulles International Airport ee Virginia…

  • Soomaliya

    13-05-2025

  • 06:59PM