Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba
BAYDHABA, Soomaaliya — Hogaamiyaha Koonfur Galbeed Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa Sabtidii dib ugu laabtay magaalada Baydhaba, kaddib safar shaqo oo uu ku joogay Muqdisho, isagoo digniin culus u diray ciidamada iyo siyaasiyiinta ka soo horjeeda maamulkiisa ee ku sugan duleedka magaalada.
Hogaamiyaha ay Villa Somalia kursiga xoogga ku saartay, ayaa si diirran loogu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Shaati Gaduud, waxaana soo dhoweyntiisa ka qeyb galay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed, wasiirro, xildhibaano, saraakiisha ciidamada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed, Mahad Maxamed Sheekh, ayaa Madaxweynaha ka siiyay warbixin ku saabsan xaaladda guud ee deegaannada maamulka, isagoo sheegay in xaaladda amni ee Baydhaba ay wanaagsan tahay.
Mahad ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada taabacsan maamulkii hore ee Koonfur Galbeed ay jab xooggan kala kulmeen dagaalkii dhowaan ka dhacay gudaha Baydhaba, isaga oo bogaadiyay ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ee ku howlan sugidda amniga iyo ilaalinta shacabka.
Aadan Madoobe ayaa uga mahadceliyay shacabka iyo mas’uuliyiinta Koonfur Galbeed soo dhoweynta loo sameeyay, wuxuuna ammaanay ciidamada qalabka sida iyo hay’adaha amniga oo uu sheegay inay dadaal ugu jiraan ilaalinta nabadda iyo xasilloonida deegaannada maamulka.
Hase yeeshee, Madaxweynaha ayaa hadalkiisa ku daray digniin adag oo ku wajahan madaxda maamulkii hore iyo ciidamada la safan ee uu sheegay inay dhaqdhaqaaqyo ka wadaan duleedka Baydhaba.
Aadan Madoobe ayaa sheegay in haddii ciidamadaasi ay sii wadaan dhaqdhaqaaqyada ay ka wadaan bannaanka magaalada, maamulkiisu uu tallaabo ka qaadi doono, isaga oo sheegay in meelaha ay ku sugan yihiin lagu weerari doono.
Hadalkan ayaa imanaya kaddib dagaallo dhowaan ka dhacay Baydhaba, kuwaas oo sii kordhiyay xiisadda siyaasadeed iyo amni ee u dhexeysa dhinacyada ku loollamaya maamulka Koonfur Galbeed.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale farriin u diray dhalinyarada ku biirtay Al-Shabaab, isagoo ugu baaqay inay ka tanaasulaan waxa uu ku tilmaamay fikirka marin-habaabinta ah, isla markaana isku soo dhiibaan dowladda.
Wuxuu sheegay in maamulkiisu diyaar u yahay soo dhoweynta dadka ka soo laabta kooxda, isagoo xusay in loo oggolaan doono inay ka qeyb qaataan dadaallada nabadda, dowlad-dhiska iyo horumarinta dalka.
Dhanka kale, Aadan Madoobe ayaa shacabka Baydhaba ugu baaqay inay ka digtoonaadaan wararka iyo fariimaha lagu faafinayo baraha bulshada ee uu ku tilmaamay dacaayado lagu cabsi gelinayo bulshada.
Wuxuu sheegay in shacabka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.
Baydhaba ayaa muddooyinkii dambe noqotay goob ay si weyn uga muuqdaan khilaafaadka siyaasadeed iyo amni ee ka dhex jira dhinacyada ku loollamaya maamulka Koonfur Galbeed.
Dagaalladii ugu dambeeyay iyo digniinta Madaxweynaha ayaa sare u qaaday walaaca laga qabo in xiisadda siyaasadeed ay isu beddesho iska horimaadyo hubeysan oo dheeraad ah.
Dhanka kale, ma jirto xog madax-bannaan oo faahfaahsan oo laga helayo khasaaraha ka dhashay dagaalkii dhowaan ka dhacay magaalada, sidoo kalena dhinaca ka soo horjeeda Aadan Madoobe kama uusan jawaabin hadalladiisa ugu dambeeyay.
GAROWE ONLINE