Abiy Axmed oo ku gacanseyray dalab uga yimid Fahad Yaasiin Daahir

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia - Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed, ayaa lagu waramay inuu diiday codsi ka yimid sarkaal sare oo ka tirsan sirdoonka Soomaaliya oo ahaa in ciidamo badan oo ka tirsan Difaaca Qaranka Itoobiya [ENDF] la geeyo caasimada Soomaaliya ee Muqdisho ka dib dagaal qaraar oo dhacay bilowgii Asbuucan ay dowladdu la gashay askar daacadda u ah mucaaradka, taasoo horseeday is-horfadhi iyo dhufeysyo badan oo magaala madaxda ka sameysteen.

Iska-hor-imaadyadda, ayaa wararku tilmaameen, waxaa labinta ku leh mucaaradka oo la sheegay inay qabsadeen qaybo badan oo kamid ah magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho.

Ciidamadda gadoodsan ayaa diidaan madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo, oo ay sidoo kale canaanteen xubno ka tirsan beesha caalamka. Farmaajo waxaa laba sano u kordhiyay Aqalka Hoose.

Iyaddoo xiisan jirto xiisadan, ilo wareedyo ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online, Taliyaha Hay'adda Sirdoonka Qaranka ee Sirdoonka [NISA] Fahad Yasin booqdey Itoobiya oo gacansaar dhow la leh maamulka Farmaajo "si uu u waydiisto taageero deg deg ah oo la xiriirta xaaladda go'doonka ah ee caasimadda".

Yaasiin, oo ah gacanta midig ee Farmaajo, isla markaana mar soo noqday weriye ka tirsan telefishinka Qadar ee Al-Jazeera qeybta luuqadda Carabiga, ayaa Isniintii u safray Itoobiya.

Iyaddoo socdaalkiisa laga qariyey warbaahinta, Fahad ayaa lagu waramay in uu xambaarsanaa fariimo adag kuna sifeeyay ciidanka gadoodsan "muqaamo dooneysa in ay xukunka ka rido Farmaajo".

Balse, Abiy Ahmed oo la tacaalaya xasarad ka jira gudaha dalkiisa ayaa "si cad u diiday codsiga," wuxuuna ku booriyey Yaasiin in uu "Soomaaliya dib loogu celiyo doorashooyinka". Taliyaha sirdoonka ayaa la sheegay in intaas kadib uu dib ugu soo duulay Muqdisho.

Gudaha dalka Itoobiya, Abiy Ahmed wuxuu la dagaallamayaa isir sifeyn taasoo kumanaan qof ay ku dhimatay kuwa kale ay guriyahooda uga barakaceen. Xasaradan waxaa lala xiriirinayaa isbedelka uu ku sameeyay nidaamka dowladnimada Itoobiya tan iyo markii uu xukunka la wareegay sanadka markii uu ahaa 2018-kii.

Dhawaan, ENDF ayaa cagta marisay Jabhadda Xoreynta Dadka Tigray [TPLF] kadib dagaal ay ku dhinteen boqolaal qof kaasoo ka dhacay gobolka waqoyga dalkaas ku yaala ee Tigray.

Warar ayaa sheegaya in ciidamo Soomaali ah oo lagu tababarayay Ereteriya ay ka qeybqaateen dagaalka hasa ahaatee sheegashada si madax banaan looma xaqiijin karo.

Itoobiya way beenisay sheegashadaas, laakiin waxay markii dambe qiratay in ciidamada Ereteriya ay ugu sugan yihiin gobolka Tigrey "howlgalka gaarka ah".

Gudaha waddanka Soomaaliya, Yaasiin wuxuu ka mid yahay shakhsiyaadka aan laga jeclayn, waxaa intaas wehlisa in inta badan mucaaradka ka codsadaan inuu is casilo.

Talaadadii, dhammaan saddexda dowlad-goboleed ee taageeraya Farmaajo waxay beddeleen mowqifkooda iyagoo ku baaqaya in dalka galo doorasho lanala yeesho wada hadlo ku saleysan heshiiska 17-kii September. Hirshabeelle iyo Galmadug isbadalkoodana dabcan wuxuu saameyn xun ku yeelan karaa hoggaanka Farmaajo.

In kasta oo Villa Soomaaliya aysan si cad uga hadlin howlgalka qarsoodiga ah ee uu Yasin ku tagayo Itoobiya, Farmaajo oo u muuqda mid hoos u dhiga dhawaqa Galmudug iyo HirShabelle ayaa sheegay in Sabtida todobaadka dambe uu kulan la yeelan doono sharci dejiyeyaasha Aqalka Hoose si looga dhaadhiciyo in ay diidaan muddo kororsiga labada sano oo xudun u ahayd isku-dhacyadda ay caasimadda martigelisay horaanta todobaadkan ayna ka dhasheen khasaaro kala duwan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xamse Cabdi oo sheegay in Soomaaliya ay ku jirto “socdaal isbeddel”

Kulan uu la qaatay Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Kenya ayuu ka sheegay hadalkan.

  • Soomaliya

    08-05-2024

  • 05:45PM

Dib u eegista qorshaha howlgelinta Nidaamka Aqoonsiga oo bilaabatay

Kulanka oo hal maalin ah ayaa lagu wadaa in lagu falanqeeyo Dib u eegista qorshaha howlgelinta Nidaamka Aqoonsiga (SNID).

  • Soomaliya

    08-05-2024

  • 08:35AM