Afarta ujeedo oo dowladda Itoobiya ka leedahay gobolka Gedo

Image

KISMAAYO, Jubaland – Maamul goboleedka Jubaland ayaa warqad ku taariikheysan 14-ka November 2019 waxuu u diray xafiiska Qaramadda Midoobay ee Muqdisho [UNSOM].

Qoraalka oo nuqul kamid ah lasoo gaarsiiyey warsidaha Garowe Online ayaa ka yimid xafiiska Wasiiru dowladaha Madaxtooyada maamulka madaxweyne Axmed Madoobe.

Maamulka Jubaland ayaa ka cabanaya ciidamo aan ka tirsanayn AMISOM kana socda sirdoonka Itoobiya oo "faragelin" kawada waqooyiga gobolka Gedo oo kamida gobolada hoostaga Jubaland.

Ciidamada ayaa gobolka "ka watay" saddex gudoomiye degmo, gudoomiye ku xigeenkii Guddiga Xuduudaha iyo Doorashooyinka Jubaland, si lamid ah lataliye sarre oo Ciidamadda Daraawiishta ah.

Xubnahaan oo laga kaxeystay magaaladda Doolow ayaa waxaa la geeyay Nazeret oo ka tirsan waddanka Itoobiya, wallow la sheegay in kolkii dambe lasoo celiyey.

Maalmihii "la haystay" waxay la kulmeen "cabsi gelin,” sida lagu sheegay qoraalka, oo lagu caddeeyay in Itoobiya ay talaabadan qaadeyso kadib codsi kaga yimid Villa Soomaaliya.

Waqooyiga Gedo waxaa ku sugan ciidamo hoostaga Jubaland, waxaana sidda lagu xusay bayaanka uu ka digayaa maamulka, dhaqdhaqaaqa xukuumadda Soomaaliya ay askartaas "ku qabiileyneyso".

"Waxay fursad u siin kartaa in Al-Shabaab ay qabsato meelaha ay baneeyaan," ayaa lagu yiri warqadda.

Qoraalka ayaa raaciyey: "Waxaan helaynaa xogo lagu kalsoon yahay oo sheegaya in ciidamadda aan AMISOM ka tirsaneyn ay u juujuubayaan mas'uuliyiinta Gedo si ay u fuliyaan ujeedooyinka soo socda".

-Taliska ciidamadda Jubaland iyo maamulka waqooyiga gobolka Gedo oo lagu wareejiyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya

-Ku dhawaaqista in waqooyiga gobolka Gedo uu ka go'ay dowlad goboleedka Jubaland ee Soomaaliyeed

-Naqdinta doorashadii dhowaan ee Jubaland ee gudoonka baarlamaanka iyo hogaanka Madaxtooyadda

-Martigelinta doorasho ku celis ah oo lagu soo doorto gudoonka baarlamaanka iyo hogaanka Madaxtooyadda

Jubaland oo kamida maamulada ka tirsan nidaamka federaalka Soomaaliya ayaa ka kooban saddex gobol oo kala ah; Gedo, Jubbada Hoose iyo Jubadda Dhexe oo haatan ay haysato Al-Shabaab.

QORAALKA JUBBALAND

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM