Afhayeenka Baarlamaanka Jabuuti oo lagu soo dhaweeyay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Gudoomiyaha baarlamaanka Jamhuuriyadda Jabuuti, Maxamed Cali Xaamud, ayaa Isniinta maanta ah lagu soo dhaweeyay Muqdisho.

Dhigiisa Golaha Shacabka Soomaaliya, Maxmed Mursal Cabdiraxmaan iyo xubno kale ayaa kaga hortagay madaarka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde.

Xaamud iyo mas'uuliyiinta la socotay ayaa waxaa loo galbiyey gudaha magaaladda caasimadda ah, gaar ahaan goob loogu talogalay in lagu qaabilo.

Lama ogga ujeedka dhabta ah ee socdaalka Xaamud. Balse warar ayaa sheegaya in uu u sii gudbi doono Baydhabo, xarunta KMG Koonfur Galbeed.

Munaasabad lagu daah-furayo kalfadhiga 5aad ee Golaha Wakiiladda dowlad goboleedkaas ayaa la tibaaxayaa in uu ka qeybgali doono.

Mursal ayaa lagu wadaa in uu ku wehliyo safarkiisa Baydhabo, kaasi oo dhankiisa la rajeynayo in uu kasoo muuqdo munaasabadda.

Amniga ayaa aad loo adkeeyay maadaama degaanadda maamulkaas ay qaybo kmaid ah maamusho kooxda argagixisadda ah ee AlShabaab.

Kal-fadhiga 5aad ayaa lagu waramayaa in uu noqonaya midka ugu dambeeya ee Xildhibaanada haatan ee Koonfur Galbeed, waxaana kadib lasoo xulayaa xubno kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka oo Abaabulaya Kacdoon Shacab xili barakicinta dagaal isku bedeshay

Saacado kadib markii mucaaradka iclamaaliyay kacdoonka shacab, xaafadda Warlaliska oo degmada Deyniile katirsan.

  • Soomaliya

    06-05-2026

  • 09:30PM

Jadwalka cusub ee doorashooyinka oo khatar gelinaya wada-hadallada dowladda iyo mucaaradka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horey isugu yeeray isbahaysiga mucaaradka ee "Somalia's Future Council".

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 03:07PM