Afhayeenka Baarlamaanka Jabuuti oo lagu soo dhaweeyay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Gudoomiyaha baarlamaanka Jamhuuriyadda Jabuuti, Maxamed Cali Xaamud, ayaa Isniinta maanta ah lagu soo dhaweeyay Muqdisho.

Dhigiisa Golaha Shacabka Soomaaliya, Maxmed Mursal Cabdiraxmaan iyo xubno kale ayaa kaga hortagay madaarka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde.

Xaamud iyo mas'uuliyiinta la socotay ayaa waxaa loo galbiyey gudaha magaaladda caasimadda ah, gaar ahaan goob loogu talogalay in lagu qaabilo.

Lama ogga ujeedka dhabta ah ee socdaalka Xaamud. Balse warar ayaa sheegaya in uu u sii gudbi doono Baydhabo, xarunta KMG Koonfur Galbeed.

Munaasabad lagu daah-furayo kalfadhiga 5aad ee Golaha Wakiiladda dowlad goboleedkaas ayaa la tibaaxayaa in uu ka qeybgali doono.

Mursal ayaa lagu wadaa in uu ku wehliyo safarkiisa Baydhabo, kaasi oo dhankiisa la rajeynayo in uu kasoo muuqdo munaasabadda.

Amniga ayaa aad loo adkeeyay maadaama degaanadda maamulkaas ay qaybo kmaid ah maamusho kooxda argagixisadda ah ee AlShabaab.

Kal-fadhiga 5aad ayaa lagu waramayaa in uu noqonaya midka ugu dambeeya ee Xildhibaanada haatan ee Koonfur Galbeed, waxaana kadib lasoo xulayaa xubno kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM