Afwerki oo soo gaarey Muqdisho iyo kulamo ka socda Villa Somalia

Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wafdi balaaran oo uu hor-kacayo Madaxwaynaha dalka Eritrea, Isaias Afwerki ayaa maanta oo Khamiis ah booqasho ku yimid magaaladda Muqdisho, ee caasimadda Soomaaliya kadib caasumaad loo fidiyay.

Madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Maxamed [Farmaajo] oo ay wehliyaan masuuliyiin isugu jira Xilldhibaano iyo wasiiro ayaa wafdiga kusoo dhaweeyay madaarka caalamiga ah ee Aadan Cadde.

Dhinaca madaxtooyadda, Villa Soomaaliya, ayaa loo galbiyay Afwerki iyo masuuliyiinta la socota, halkaasi oo la filayo inay kulamo kula yeesheen hogaanka dalka, kaasi oo arrimo badan diiradda lagu saari doono.

"Labadda Madaxwayne waxay yeelan doonan wadahadal labo geesood ah...oo ku saabsan dhinacyadda faa'idada u ah [labada dowladood," ayaa lagu yiri qoraal lasoo dhigay barta Twitter-ka ee Aqalka looga taliyo wadanka.

Amniga magaalo madaxda wadanka leh xeebta ugu dheer Qaaradda Afrika ayaa si wayn loo adkeeyay xili wadooyinka qaar ee caasimadda loo xiray imaanshiyaha wafdiga, shacabkuna waxay ku gaarayaan danahooda iyaga oo lugaynaya.

Booqasho uu Afwerki ku yimid Soomaaliya ayaa noqoneysaa tii ugu horeysay Tobanaan sano kadib markii uu dalka ka qarxay colaad sokeeye galaafatay dad badan, oo uu haatan kasoo kabanayo.

Bishii July ayay ahayd markii uu Farmaajo ku tegay wadanka Eritrea socdaal taariikhi ah, kaasi oo dib loogu soo celiyay cilaaqaadka diblumaasiyadeed ee wadamadaan oo markii horey hooseeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM