Agaasime ka tirsan wasaaradda caafimaadka oo la xaqiijiyey in la xiray

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda wasaaradda Caafimaadka xukuumadda Soomaaliya, Maxamuud Maxamed Buulle, ayaa la xiray, sidda ay xaqiijisay wasiir Fowziya Abiikar Nuur.

Fowziya oo wariyeyaasha kula hadashay Muqdisho ayaa shaacisay in Buulle lagala baxay hoygiisa 4-tii April, sanadkan 2020, xili saq dhexe ah, balse ma aysan xusin sababta loo beegsaday.

Intii lagu guda jiray shirka jaraa'id, wasiir Fowziya ayaa daboolka ka qaadey "in aan lala wadaagin sababta loo xiray" balse waxay balanqaadey in ay la shaqeyn doono cid kastoo ay quseyso.

"Wasaaradda waxay arrinkaan kala shaqeyneysaa xeer-ilaaliyaha Qaranka, Hanti-dhowrka, iyo ciddii kale oo sharci ahaan ay arrintaan quseyso," ayay Fowziya u sheegtay koox wariyeyaal ah.

Sidda ay ka dhawaajisay Fowziya, eedeysane Mr Buule waxaa ku socota baaritaan. Balse ma aysan caddeynin goobta lagu hayo, marka laga reebo warar ku tilmaamaya xarunta CID-da.

Warar is-khilaafsan ayaa kasoo baxaya sababta ka dambeysa xarigga agaasimaha. Warbixinada qaar waxay la xiriirinayaa kiis musuqmaasuq ah gaar ahaan deeq loogu talagalay xakameynta Covid-19.

Si lamid ah, waxaa jira warar kale oo intaas ku daraya in loo haysto dacwad ku saabsan in deeq lacag ah oo ka timid hay'addo caalami ah uu ku maalgeshtay suuqa sarifka online-ka ah ee Forex.

Dacwad-oogeyaasha ayaanan wali si rasmi ah u soo bandhigin eedeymaha loo haysto Maxamuud Maxamed Buulle, kaas oo la filayo in kiiskiisa la muddeeyo maalmaha soo aadan.

Mudadii ay jirtay dowladda uu hogaamiyo madaxweyne Farmaajo, mas'uuliyiin dhowr ah ayaa maxkamad loosoo taagey kiisas musuqmaasuq ah, wallow dhageysigooda aan loo fasaxin saxaafada madaxa banaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo u yeertay Safiirka Kenya kadib markii Wasiir loo diiday gelitaanka Kenya

Dhacdadan ayaa timid wax ka yar bil kaddib markii sidoo kale la sheegay in Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    27-07-2026

  • 01:22PM

Saraakiil Soomaali ah oo ku dhow Xasan Sheekh oo wajahaya xayiraado safar - XOG

Waddamada reer Galbeedka ayaa bilihii u dambeeyay xoogga saaraya doorka caasimadaha Afrika ee deriska la ah Soomaaliya.

  • Soomaliya

    27-07-2026

  • 12:23PM