Agaasime ka tirsan wasaaradda caafimaadka oo la xaqiijiyey in la xiray

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda wasaaradda Caafimaadka xukuumadda Soomaaliya, Maxamuud Maxamed Buulle, ayaa la xiray, sidda ay xaqiijisay wasiir Fowziya Abiikar Nuur.

Fowziya oo wariyeyaasha kula hadashay Muqdisho ayaa shaacisay in Buulle lagala baxay hoygiisa 4-tii April, sanadkan 2020, xili saq dhexe ah, balse ma aysan xusin sababta loo beegsaday.

Intii lagu guda jiray shirka jaraa'id, wasiir Fowziya ayaa daboolka ka qaadey "in aan lala wadaagin sababta loo xiray" balse waxay balanqaadey in ay la shaqeyn doono cid kastoo ay quseyso.

"Wasaaradda waxay arrinkaan kala shaqeyneysaa xeer-ilaaliyaha Qaranka, Hanti-dhowrka, iyo ciddii kale oo sharci ahaan ay arrintaan quseyso," ayay Fowziya u sheegtay koox wariyeyaal ah.

Sidda ay ka dhawaajisay Fowziya, eedeysane Mr Buule waxaa ku socota baaritaan. Balse ma aysan caddeynin goobta lagu hayo, marka laga reebo warar ku tilmaamaya xarunta CID-da.

Warar is-khilaafsan ayaa kasoo baxaya sababta ka dambeysa xarigga agaasimaha. Warbixinada qaar waxay la xiriirinayaa kiis musuqmaasuq ah gaar ahaan deeq loogu talagalay xakameynta Covid-19.

Si lamid ah, waxaa jira warar kale oo intaas ku daraya in loo haysto dacwad ku saabsan in deeq lacag ah oo ka timid hay'addo caalami ah uu ku maalgeshtay suuqa sarifka online-ka ah ee Forex.

Dacwad-oogeyaasha ayaanan wali si rasmi ah u soo bandhigin eedeymaha loo haysto Maxamuud Maxamed Buulle, kaas oo la filayo in kiiskiisa la muddeeyo maalmaha soo aadan.

Mudadii ay jirtay dowladda uu hogaamiyo madaxweyne Farmaajo, mas'uuliyiin dhowr ah ayaa maxkamad loosoo taagey kiisas musuqmaasuq ah, wallow dhageysigooda aan loo fasaxin saxaafada madaxa banaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Xamse oo Difaacay Shirka Muqdisho Inkastoo la Qadaacay

Xamse Barre, oo ah madaxa xukuumadda, ayaa ku adkeystay muhiimadda dhameystirka dastuurka kumeelgaarka ah.

  • Soomaliya

    18-06-2025

  • 12:58PM

Kalsoonida Beesha Caalamka ee Villa Somalia oo Meel Xun Maraysa

Beesha caalamku waxay maalin kasta ka cabanayaan Xasan Sheekh. Waxay leeyihiin wuu naga khasaaray, hadda waan ka guureynaa.

  • Soomaliya

    17-06-2025

  • 09:21AM