Agaasime ku xigeenka Goobjoog oo damaanad lagu sii daayey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Wariye Cabdicasiis Axmed Gurbiye ayaa Sabtida maanta ah waxaa lagu sii daayey damaanad, sidda ay ku dhawaaqdey warbaahinta uu ka tirsan yahay ee Goobjoog Media Group.

Todobaadkii hore ayaa xabsi loo taxaabay, balse dowladda federaalka ah wali si furan uma sharaxin sababta ka dambeysa xarigiisa.

Mahad Maxamed Salaad, mudane ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, ayaa sheegay in xariga saxafiga uu la xiriiro qoraal uu soo dhigay Facebook oo uu eedeyn ugu jeediyey madaxweynaha.

Qoraalkaas ayaa tilmaamayey in Farmaajo uu "qaatay" qalabka neefashada oo loogu talagalay xarunta karantiilka ee Isbitaal Mariini, wallow uusan soo bandhigin caddeymo xoogan.

War-saxaafadeed kasoo baxay warbaahinta Goobjoog ayaa lagu sheegay in Madaxtooyadda Soomaaliya ay dacwad kusoo oogtay wariyaha.

Hase ahaatee, Villa Soomaaliya ayaa dhinac isaga leexisay eedaas, waxayna sheegtay in aysan wax lug ah ku lahayn gal-dacwadeedka.

Gurbiye ayaa ah agaasime ku xigeenka iyo tifaftiraha Goobjoog Media Group, oo ka kooban idaacado, telefishin iyo mareeg.

Sii deyntiisa ayaa kusoo aadeysa xilli ay aad u xoogeysteen cadaadis ay dowladda la kulmeysay oo ku saabsan in uu banaanka yimaado wariyaha. Sidoo kale, warar ayaa soo jeedinayey in uu xabsiga ku xanuunsadey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Calmiskaad ku dilay in ka badan 700 dagaalyahan Ajaanib ah 

Weerarka, oo billowday dabayaaqadii sanadkii hore, ayaa lagu sheegay inuu hoos u dhigay joogitaanka ISIS ee aaggaas ilaa 70%.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 06:50AM

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM