Agabkii ka hortagga Covid-19 ee loogu deeqay DF oo laga ganacsanayo

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Agabkii qaar kamid ah dowladaha caalamka ugu deeqeen dhigooda Soomaaliya si loo xakameeyo faafitaanka Coronavirus ayaa si suuq furan ah loogu iibinayaa qaar kamida mehradaha Muqdisho.

Qalabkan loogu talagalay in si bilaash ah lagu siiyo dadweynaha ama in la geeyo goobaha dadka ku kulmaan waxaa kamid ah; agabka faraxalka, Face-masks iyo dawooyinka kale ee jeer-miska dila ee Sanitizer-ka.

Muuqaalo iyo sawirro uu arkay warsidaha Garowe Online ayaa waxaa kasoo muuqday qaar kamid ah agabkaas gaar ahaan kuwa ay xukuumadda federaalka ah ugu deeqeen dowladdaha Turkiga iyo Qadar.

Illaa iyo haatan ma cadda sidda ay ku dhacday in gacanta dowladda ay ka baxaan agabkaan iyo mas'uuliyiinta ka dambeysa.

Shariif Sheekh Axmed, madaxweynihii 7aad ee Soomaaliya, ayaa horey u sheegay in qalab loo siiyay dowladda in looga hortaggo Coronavirus lagu iibinayo suuqyadda magaala madaxda waddanka.

Gudoomiyaha iyo hogaamiyaha Madasha Xisbiyadda Qaran iyo xisbiga Himilo Qaran ayaa ku baaqay baaritaano lagu sameeyo arrintaas.

Xafiiska hanti-dhowraha guud ee Qaranka ayaa bishii hore ee May ka dhawaajiyey in ay baaritaan ku socoto xafiisyo wasaaradeed iyo hay'addo dowladeed, balse ma carabaabin kiisaska looga shakisan yahay.

Balse wuxuu carabka ku dhuftay in ay salka ku hayaan arrimo musuq-maasuq. Hase ahaatee, lama ogag haddii arrintaan ay quseyso.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa horey loogu dhaliilay in aysan mas'uuliyad is-xilqaan ah iska saarin in ay is-bilaash dadweynaha ugu qeybiso agabka looga gaashaanto Coronavirus.

Taas bedelkeeda, waxaa haatan muuqaneysa in agabkii dowladaha caalamka ugu deeqeen shacabka Soomaaliyeed si ay uga hortagaan faafitaanka Covid-19 laga ganacsanayo, iyaddoo aan la ogeyn cidda ku lugta leh.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM