Ahlu Sunna oo iclaamisay hub uruursi xili aan wali la xalin khilaafka DF

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Hogaamiyaha ururka Ahlu Sunna Waljameeca, Sheekh Macalin Maxamuud Sheekh Xasan, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in ay dib isu hubeynayaan xili khilaaf xoogan uu taagan yahay.

Is-qabqabsiga ayaa ka jira doorashada madaxweynaha Galmudug oo ay isku haystaan dowladda, Ahlu Sunna iyo Axmed Ducaale Geelle [Xaaf], oo maamul ka dhistay koonfurta Gaalkacyo.

Inkastoo uusan si gaar ah u soo qaadin dowladda, wadaadka, oo ka hadlay magaala madaxda dowlad goboleedka Galmudug, ayaa shaaciyey in ay iska difaacayaan "dadka fasaadka wadda".

"Intii aan fasaadka soo dhaweysan lahayn waxaan geleynaa haddii Alle yiraahdo in hubkeena aan soo dhaweysaneyno, ruux Muslim ah ku dhibi meyno, dowlad ku dhibi meyno laakiin ruux reer fasahaad ah waan ku dhibeynaa," ayuu u sheegay taageereyaasha ururka uu majaraha u hayo.

Isagoo u muuqda mid iska dhowraya in uu soo qaado magaca xukuumada, Sheekh Xasan ayaa carabka ku dhuftay in Dhuusamareeb "loo gacan-geliyey maleeyshiyaadka Al-Shabaab".

Ahlu Sunna iyo Villa Soomaaliya ayaa isku haya in dib loosoo celiyo xilka Madaxa Xukuumadda Galmudug ama in ay qaataan jagada madaxweyne ku xigeenka, dalabkaas oo laga diidey.

Tani ayaa keentay in Ahlu Sunna ku dhawaaqday in Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan "loo doortay madaxweynaha rasmiga ah ee Galmudug".

Inkastoo Mareykanku aqoonsadey doorashada ay dowladda hogaamisay ee uu kusoo baxay Qoor-qoor, Galmudug ayaa leh madaxweyneyaal saddex ah marka lagu daro Shaakir iyo Xaaf.

Illo xog ogaal ah ayaa xaqiijiyey in dowladdu isku dayday in ay qanciso hogaanka Ahlu Sunna balse ay kala kulantay weji gabax.

Hadalka Sheekh Macalin Maxamuud ayaa kusoo beegmaya iyaddoo shalay uu Dhuusamareeb ka dhacay qarax miino oo dhaliyey dhaawaca saddex ruux. Dhacdooyinkaan oo kale loogama baran xarunta gobolka Galgaduud.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Ku dhawaad 50% Saraakiisha dowladda Soomaaliya oo qaatay baasaboor ama kaarka aqoonsiga Kenya

Ilaa hadda ma jiro xaqiijin rasmi ah oo ka soo baxday dowladda Soomaaliya ama dowladda Kenya oo ku saabsan eedeymahan.

  • Soomaliya

    28-07-2026

  • 10:33AM

Beesha caalamka oo dowladda Soomaaliya u qabatay illaa August in heshiis laga gaaro khilaafka doorashadda

Sida ay sheegeen ilo xog-ogaal ah, farriintan ayaa markii hore loo gudbiyay mas’uul sare oo ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya.

  • Soomaliya

    28-07-2026

  • 06:56AM