Ahlu Sunna oo iclaamisay hub uruursi xili aan wali la xalin khilaafka DF

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Hogaamiyaha ururka Ahlu Sunna Waljameeca, Sheekh Macalin Maxamuud Sheekh Xasan, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in ay dib isu hubeynayaan xili khilaaf xoogan uu taagan yahay.

Is-qabqabsiga ayaa ka jira doorashada madaxweynaha Galmudug oo ay isku haystaan dowladda, Ahlu Sunna iyo Axmed Ducaale Geelle [Xaaf], oo maamul ka dhistay koonfurta Gaalkacyo.

Inkastoo uusan si gaar ah u soo qaadin dowladda, wadaadka, oo ka hadlay magaala madaxda dowlad goboleedka Galmudug, ayaa shaaciyey in ay iska difaacayaan "dadka fasaadka wadda".

"Intii aan fasaadka soo dhaweysan lahayn waxaan geleynaa haddii Alle yiraahdo in hubkeena aan soo dhaweysaneyno, ruux Muslim ah ku dhibi meyno, dowlad ku dhibi meyno laakiin ruux reer fasahaad ah waan ku dhibeynaa," ayuu u sheegay taageereyaasha ururka uu majaraha u hayo.

Isagoo u muuqda mid iska dhowraya in uu soo qaado magaca xukuumada, Sheekh Xasan ayaa carabka ku dhuftay in Dhuusamareeb "loo gacan-geliyey maleeyshiyaadka Al-Shabaab".

Ahlu Sunna iyo Villa Soomaaliya ayaa isku haya in dib loosoo celiyo xilka Madaxa Xukuumadda Galmudug ama in ay qaataan jagada madaxweyne ku xigeenka, dalabkaas oo laga diidey.

Tani ayaa keentay in Ahlu Sunna ku dhawaaqday in Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan "loo doortay madaxweynaha rasmiga ah ee Galmudug".

Inkastoo Mareykanku aqoonsadey doorashada ay dowladda hogaamisay ee uu kusoo baxay Qoor-qoor, Galmudug ayaa leh madaxweyneyaal saddex ah marka lagu daro Shaakir iyo Xaaf.

Illo xog ogaal ah ayaa xaqiijiyey in dowladdu isku dayday in ay qanciso hogaanka Ahlu Sunna balse ay kala kulantay weji gabax.

Hadalka Sheekh Macalin Maxamuud ayaa kusoo beegmaya iyaddoo shalay uu Dhuusamareeb ka dhacay qarax miino oo dhaliyey dhaawaca saddex ruux. Dhacdooyinkaan oo kale loogama baran xarunta gobolka Galgaduud.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM