Ahlu Sunna oo qaadacdey shuruudaha Guddiga doorashada Galmudug

Image

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Maamulka Ahlu Sunna ayaa sheegay inaysan u hogaansami doonin shuruudaha guddiga doorashadda Galmudug, ee ku aadan soo xulista Xildhibaanada cusub.

War-Saxaafadeed uu soo saarey Maxamed Shaakir, ayaa lagu sheegay in guddiga doorashada aan wax shaqo ah ku lahayn soo xulista 20-ka Xildhibaan ee loo qoondeeyay Ahlu Sunna, sida uu dhigayo heshiis la la galeen dowladda Federaalka.

Ahlu Sunna ayaa 20-ka kursi ee laga siiyay baarlamaanka cusub u kala qeybisay beelaha dega Galmudug, iyadoo dhaliilo laga keenay hanaanka qeybinta taasoo soo dedjisay in uu soo farageliyo guddiga doorashadda, oo doonaya inuu maamulo soo xulida Xildhibaanada.

Doorashooyinka Galmudug ayaa dhowr jeer dib u dhac ku yimid, sababo la xiriira khilaaf siyaasadeed oo hareeyay hogaanka maamulka, waxaana jira eedeymo loo jeediyay dowladda Soomaaliya oo ah inay faragelin ku hayso doorashadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM