Ahlu Sunna oo qaadacdey shuruudaha Guddiga doorashada Galmudug

Image

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Maamulka Ahlu Sunna ayaa sheegay inaysan u hogaansami doonin shuruudaha guddiga doorashadda Galmudug, ee ku aadan soo xulista Xildhibaanada cusub.

War-Saxaafadeed uu soo saarey Maxamed Shaakir, ayaa lagu sheegay in guddiga doorashada aan wax shaqo ah ku lahayn soo xulista 20-ka Xildhibaan ee loo qoondeeyay Ahlu Sunna, sida uu dhigayo heshiis la la galeen dowladda Federaalka.

Ahlu Sunna ayaa 20-ka kursi ee laga siiyay baarlamaanka cusub u kala qeybisay beelaha dega Galmudug, iyadoo dhaliilo laga keenay hanaanka qeybinta taasoo soo dedjisay in uu soo farageliyo guddiga doorashadda, oo doonaya inuu maamulo soo xulida Xildhibaanada.

Doorashooyinka Galmudug ayaa dhowr jeer dib u dhac ku yimid, sababo la xiriira khilaaf siyaasadeed oo hareeyay hogaanka maamulka, waxaana jira eedeymo loo jeediyay dowladda Soomaaliya oo ah inay faragelin ku hayso doorashadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jadwalka cusub ee doorashooyinka oo khatar gelinaya wada-hadallada dowladda iyo mucaaradka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horey isugu yeeray isbahaysiga mucaaradka ee "Somalia's Future Council".

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 03:07PM

Mucaaradka oo Muqdisho ku yeeshay shir ku saabsan hannaan doorasho oo cusub

Weli ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan kulamada mucaaradka.

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 02:41PM