Al-Shabaab farsamo dhif ah ku galay Mareykanka oo lasoo tarxiilay

Image

WASHINGTON, US – Wasaarada Cadaalada Mareykanka ayaa sheegtay in ay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho u musaafurisay dagaalame Al-Shabaab ahaa kaasoo farsamo dhif iyo naadir ah ku galay United States.

Maxamed Cabdiraxmaan Cusmaan, 29-jir magaciisa afgarashada uu ahaa Mustaf Aadan Caraale laguna helay laba dambi ayaa asbuucii hore lagu xukumay muddo laba sano ah taasoo uu horey xabsi ugu qaatey.

Dambiyada lagu helay Cusmaan ayaa kala ah in uu been u sheegay Saraakiisha Socdaalka markii uu dalbanayey deganaan-shiyaha Mareykanka iyo in uu qariyo qaabka uu ku yimid dhaawac jirkiisa ka muuqda.

Cusmaan ayaa u sheegay saraakiisha in uu yahay Itoobiyaan iyo in dhaawacaas uu kasoo gaarey qarax ka dhacay Suuqa Bakaaraha ee Muqdisho 2010-kii. Dhamaan sheegashooyinkaas waxay noqdeen been abuur.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Cadaaladda ayaa lagu xusay in Cusmaan uu yahay Soomaali isla markaana dhaawacaas uu kasoo gaarey xilli uu qarax diyaarinayey 2009-kii, kana tirsanaa Al-Shabaab.

Sidda laga soo xigtay bayaanka, Cusmaan oo shalay laga soo dhoofiyey magaaladda Tucson ee gobolka Arizona ayaa qirtay in hadii waqtigiia codsiga soo gudbinayey runta sheegi lahaa uu fashili lahaa.

Scott Brown oo ka tirsan saraakiisha socdaalka ayaa carabka ku dhuftay in kiiskaan uu tusaale cad u yahay "in ay jiraan shaqsiyaad isku dayeya in ay dhulka ku jiidaan ammaanka iyo sharafta qaranka Mareykanka".

"Waxaan sii wadi doonaa in aan si dhow ula shaqeyno hay'addaha kale ee bahwadagata aan nahay si aan u qabano kuwa ku lug leh qorsheyaasha dambi ee noocaan ah," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay.

Xukunsanaha oo laga mamnuucay in uu dib dambe cagta dhigo Mareykanka ayaa sidoo kale waxaa lagala noqdey sharcigii qaxootinimada. Kiiskiisa wuxuu lamid yahay qaar kale oo wadamo badan laga soo wariyey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqasho ku tagey Wasaaradda Difaaca Soomaaliya

Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugnaa Wasaaradda waxa uu kulan la qaatay Wasiirrada Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-05-2025

  • 06:02PM

Trump oo Koonfur Afrika ku eedeeyay tacaddiyo isagoo kor u haya sawir laga qaaday Congo

Trump oo hadal jeedinayay inta lagu guda jiray kulanka, wuxuu kor u qaaday warqado daabacan…

  • Soomaliya

    22-05-2025

  • 04:18AM