Al-Shabaab-ka Galgaduud oo loo hanjabey

Image

CADAADO, Soomaaliya - Xoogaga Al-Shabaab ayaa tuuladda Galqoryaale ee gobolka Galgaduud ee Bartamaha Soomaaliya ku afduubtay in ka badan 70 Odayaal, sida ay sheegeen dadka degaanka halkaasi ku nool.

Xariga Odayaasha ayaa yimid kadib markii ay ka biyo diideen inay bixiyaan Magta dil horey u dhacay iyo inay kasoo horjeestay qisaasta ruuxa falka geystay, sida ay wararku tibaaxayaan.

Odayaasha ayaa habeenkii afaraad xalay ku hoyday Xabsi ay Al-Shabaab maamusho oo ku yaala degaano ka tirsan goboladda Dhexe, mana jiro war rasmi ah oo ay Al-Shabaab arrintaasi kasoo saartay.

Hasa yeeshee, waxaa hanjabaad culus hawada u mariyay Al-Shabaab, Wasiir Ku xigeenka Amniga ee maamulka Galmudug Mahad Xasan Maxamuud, kaasoo arrintaan si kulul uga hadlay.

Wasiir Maxamuud ayaa shaaca ka qaaday inay bilaabayaan Olale xoogan, kaasoo ka dhan ah afduubka Al-Shabaab ee Odayaasha, isagoo tilmaamay inay sida ugu dhaqsiyaha badan uga soo furan doonan.

"Jawaab cad ayaan ka bixin doonaa talaabadda ay qaadan kooxda cadowga ku ah nabada, horumarka iyo shacabka. Galmudug waxay diyaarisay duulaan ka dhan ah Kooxdan," ayuu yiri Wasiir kuxigeenka.

Inta badan Al-Shabaab ayaa degaanada ku hoos-jira maamulkeeda ka fulisa dilal iyo xukunno kale, kuwaasoo hay'adaha xuquuqda aadanaha ay si kulul u cambaareeyeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shacabka Mandheera oo Dalbaday in Laga Saaro Ciidamada Jubaland Kadib Weerarkii Dadka Lagu Laayay

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Kenya, Rigathi Gachagua, ayaa sidoo kale ku baaqay in ciidamada Jubbaland laga saaro dhulka Kenya.

  • Soomaliya

    12-05-2026

  • 06:07AM

Mucaaradka oo Ku Dhawaaqay Bannaanbax Kale oo Ka Dhacaya Muqdisho 16-ka May

Madasha Samatabixinta ayaa sheegtay in tallaabooyinkaasi ay saameeyeen nolol maalmeedka magaalada Muqdisho.

  • Soomaliya

    12-05-2026

  • 05:19AM