Shabaab macalin ahaan uga diiwaan-gishanaa wasaarad oo la qabtay

Image

KISMAAYO, Jubaland – Taliska nabad-sugida iyo sirdoonka Jubaland ayaa soo bandhigay macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan shabakad la sheegay in ay weeraro ka fuliyeen Kismaayo iyagoo ka wakiil ah ururka Al-Shabaab.

Shaqsiyaadkan oo tiradoodu gaareyso saddex, sidda ku xusan xogta, ayaa lagu kala magacaabaa Cabdi-qayuun Sheekh Cabdirisaaq Muuse Aadan, Xuseen Cabdisamad Sheekh Daahir iyo Maxamed Cabdiraxmaan Bashiir.

Gaashaanle Sare Khaalid Sheekh Cabdullaahi, taliyaha NISA-Jubaland oo war-fidiyeenka u waramay, ayaa tibaaxay in eedeysaneyaashan lagu soo qabtay howlgal ay habeenimadii Sabtida sameeyeen ciidamada amniga.

Howlgalkaas ayaa yimid markii weerar bam-gacmeed lagu ekeeyay goob ay shacab kaga sugnaayeen xaafada Quraca Looska ee caasimada ku meelgaarka Jubbaland.

Cabdi-qayuun oo kasoo muuqdey muuqaal uu baahiyey telefishinka ku hadla afka dowladda Jubaland ayaa qirtay 12 weerar oo shabakadiisu "ku guuleysatay".

Taliye Khaalid oo ka dhawaajiyey dhamaantooda ay maxkamad kasoo muuqan doonan shacabkana uga digay la shaqeynta maleyshiyada ayaa tibaaxay in Bashiir uu watay aqoonsi dowladeed.

Warar xog ogaal ah ayaa xusaya in kaarka uu watay Bashiir muujinayo in uu macalin ahaan uga diiwaan-gishanaa Wasaarada Waxbarashada Jubaland isla markaana uu bare ka ahaa iskuul lagu magacaabo Barwaaqo.

Bashiir oo dhigi jiray maadooyinka Soomaaliga, Tarbiya iyo Biology ayaa qayb kamida maalintiisa wuxuu ka shaqeyn jiray Farmashiyo. Balse shaqada Al-Shabaabka uu u hayey waxay ahayd sahminta goobaha la beegsanayo.

Cabdi-qayuun oo magaalada ku joogay arday Jaamacadeed ahaan, Plasma University faraceeda Kismaayo ka dhigan jiray Caafimaadka Bulshada kuna jiray semester-ka todobaad ayaa shaqadiisu ahayd tuurida bambada.

Xuseen Cabdisamad Sheekh Daahir oo ahaa mulkiile tukaan isla markaana machad dhigan jiray ayaa waajibaadkiisa wuxuu dhankiisu ahaa keydinta hubka.

"Xuseen-ka wax badan ma aanan kulmi jirin marka laga reebo goorta uu hubka keenayo. Laakiin, Maxamed todobaadkii shan jeer ayaan kulmi jirnay gaar ahaan habeenkii shan saac ama afar saac. Waxaan ka wadahadli jirnay macluumaadka uu soo helay iyo meelaha la weerarayo," ayuu Cabdi-qayuun yiri.

Cabdi-qayuun ayaa Al-Shabaab kaga biiray magaalada Dhoobley, halkaasoo uu kaga baxay Dugsiga Sarre. Kismaayo wuxuu yimid 2016-kii, isagoo howlaha argagixisanimo si rasmi ah u bilaabay 2017-kii, sidda uu isagu qirtay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka Oo Muqdisho Ka Bilaabay Kulamo Looga Soo Horjeedo Nidaamka Doorashada 2026

Kulamadaasi ayaa lagu wadaa inay noqdaan hordhac shir weynaha mucaaradka oo dhowaan ka dhacaya Muqdisho.

  • Soomaliya

    23-05-2025

  • 12:32PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqasho ku tagey Wasaaradda Difaaca Soomaaliya

Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugnaa Wasaaradda waxa uu kulan la qaatay Wasiirrada Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-05-2025

  • 06:02PM