Al-Shabaab oo Canshuur kusoo rogtey degaano DF ay maamusho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Al-Shabaab ayaa ku amrey dadka ku nool tuulooyin dhanka Waqooyi Barri uga beegan magaalada Muqdisho, halkaasi oo ay saacado qabsadeen Sabtidii inay waajib ku tahay bixinta lacago ay Shabaabku ugu yeeraan Zakawadka.

Qabshadda degaanadaasi ayaa ka dambeysay markii ciidanka xooga dalka oo ay wehliyaan kuwa AMISOM ay isaga huleeleen gabi ahaanba halkaasi, inkasta oo aanan la ogayn sababta dhabta ah ee arrinkaasi ka dambeysay, mana jiro saraakiil ciidan oo ka hadashay.

Tuulooyinka ay Al-Shabaab gacanta ku hayeen muddo kooban, kuwaasi oo gaaraya Saddex ayaa ku yaala nawaaxiga degmada Balcad, halkaasi oo ay joogaan ciidamada xooga dalka.

Qaar kamid ah dadka degaanka ee ku dhaqan meelaha ay dagaalamayaasha Al-Shabaab gacanta ku dhigeen saacado kahor inta aysan isaga dhaqaaqin ayaa u sheegay warbaahinta inay dadka isagu yeereen meelo fagaaro ah iyaga oo faray dhowr arrimood.

Qof magaciisa khariyay ayaa tibaaxay in arrimaha ay Al-Shabaab soo bandhigeen ay kamid tahay in Rayidka looga baahan yahay inay bixiyaan Zakawadka, taasi oo caado u ah ka uruuriyaan kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida meelaha ay dalka ka taliyaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa qirtay in ganacsato ku sugan magaalada caasimada ah ee Muqdisho ay kamid yihiin dadka bixiya arrinkaasi xili ay uga digtey wallow xukuumadda lagu dhaliilay inaanu jirin qorshe oo ay hayso si looga hortago.

Shaki xoogan ayaa ka dhalashey in ciidamada xooga dalka iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ay hayaameen degaanada ku dhow duleedka Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe, qabsashada Al-Shabaab iyo awaamiirta ay kusoo rogeen, taasi oo xeel-dheerayaashy su'aalo badan ka keeneen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Ka Taagan Bartamaha Soomaaliya kadib Markii Al-Shabab la wareegtay Degmo muhiim ah

Si looga jawaabo weerarkaasi, dagaalyahanada Macawiisleey, oo ah maleeshiyo bulsho oo taageerta dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 11:16AM

Xasan Shiikh oo ka soo muuqdey Antalya xilli Soomaaliya ay wajahayso qalalaase amni iyo siyaasadeed

Sawirkan oo aad loogu falceliyay baraha bulshada, ayaa yimid xilli dalka…

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 01:47AM