Al-Shabaab oo Ciidan Ajnabi ah ku weerartay gobolka Hiiraan

Image

BELEDWEYNE - Al-Shabaab ayaa weerar jidgal ah ku qaadey ciidamo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, gaar ahaan kuwa ka socda Jabuuti, oo marayey duleedka magaalada Beladwayne ee gobolka Hiiran xili ay wehliyaan kuwa Soomaali ah.

Ciidamada weerarka lagu qaadey ayaa usocdey howlgal qorsheysan, kaasi oo ay doonayeen inay Al-Shabaab kaga saaraan tuulooyinka; Buur-fanax, Beer-xano iyo Tarshanta, halkaasi oo ay fariisin ku lahaayeen dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Weerarka ayaa sababey dagaal fool ka fool ah ayaa lagu waramayaa inuu kusii fidey degaano ka tirsan gobolka, taasi oo keentay inuu cuslaado, waxaana leysku adeegsadey Hubka noocyadiisa kala duwan, sida ay xaqiijiyeen dadka degaanka.

Jen. Saalax oo kamid ah saraakiisha ciidanka xooga dalka ee gobolka Hiiraan ayaa carabka ku dhuftey in dagaalka uu ka dhashey khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, isagoo ka gaabsadey inuu xaqiijiyo tiradda saxda ah ee labada soo kala gaarey.

"Maadaama meesha ay wax ka dhaceen tahay meel Buuraley ah, ma xaqiijin karno khasaaraha dhimasho iyo dhaawac. Balse, waxaan arkeynay in Al-Shabaab ay Buuraha wax ka tuur-tuurayeen," ayuu yiri Jenaraal Saalax oo uwaramey warbaahinta.

Dhinaca kale, kooxda xiriirka la leh Shabakadda Al-Qaacida oo baraheeda Internet-ka kaga hadashey weerarka ayaa shaaca ka qaadey inay khasaarooyin kala duwan ugu geysatay Askarta dowladda weerarkani, inkasta oo aysan cayimin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Ka Taagan Bartamaha Soomaaliya kadib Markii Al-Shabab la wareegtay Degmo muhiim ah

Si looga jawaabo weerarkaasi, dagaalyahanada Macawiisleey, oo ah maleeshiyo bulsho oo taageerta dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 11:16AM

Xasan Shiikh oo ka soo muuqdey Antalya xilli Soomaaliya ay wajahayso qalalaase amni iyo siyaasadeed

Sawirkan oo aad loogu falceliyay baraha bulshada, ayaa yimid xilli dalka…

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 01:47AM