Al-Shabaab oo Ciidan Ajnabi ah ku weerartay gobolka Hiiraan

Image

BELEDWEYNE - Al-Shabaab ayaa weerar jidgal ah ku qaadey ciidamo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, gaar ahaan kuwa ka socda Jabuuti, oo marayey duleedka magaalada Beladwayne ee gobolka Hiiran xili ay wehliyaan kuwa Soomaali ah.

Ciidamada weerarka lagu qaadey ayaa usocdey howlgal qorsheysan, kaasi oo ay doonayeen inay Al-Shabaab kaga saaraan tuulooyinka; Buur-fanax, Beer-xano iyo Tarshanta, halkaasi oo ay fariisin ku lahaayeen dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Weerarka ayaa sababey dagaal fool ka fool ah ayaa lagu waramayaa inuu kusii fidey degaano ka tirsan gobolka, taasi oo keentay inuu cuslaado, waxaana leysku adeegsadey Hubka noocyadiisa kala duwan, sida ay xaqiijiyeen dadka degaanka.

Jen. Saalax oo kamid ah saraakiisha ciidanka xooga dalka ee gobolka Hiiraan ayaa carabka ku dhuftey in dagaalka uu ka dhashey khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, isagoo ka gaabsadey inuu xaqiijiyo tiradda saxda ah ee labada soo kala gaarey.

"Maadaama meesha ay wax ka dhaceen tahay meel Buuraley ah, ma xaqiijin karno khasaaraha dhimasho iyo dhaawac. Balse, waxaan arkeynay in Al-Shabaab ay Buuraha wax ka tuur-tuurayeen," ayuu yiri Jenaraal Saalax oo uwaramey warbaahinta.

Dhinaca kale, kooxda xiriirka la leh Shabakadda Al-Qaacida oo baraheeda Internet-ka kaga hadashey weerarka ayaa shaaca ka qaadey inay khasaarooyin kala duwan ugu geysatay Askarta dowladda weerarkani, inkasta oo aysan cayimin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka Soomaaliya oo Difaacay Warqaddii Ay U Direen Beesha Caalamka ee La Xiriirtay Khilaafka Doorashooyinka

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sidoo kale ka digay in dowlad sii joogta xafiiska iyadoo muddo-xileedkeedu dhammaaday.

  • Soomaliya

    02-08-2026

  • 03:19PM

Taliyaha AFRICOM: Taageerada Mareykanka waxay ku xiran tahay horumarka siyaasadeed iyo amni ee Soomaaliya

Haddaladda Jeneraal Anderson ayaa ku soo beegmaya xilli Soomaaliya ay wajahayo caqabado dhinaca amniga iyo siyaasadda ah.

  • Soomaliya

    01-08-2026

  • 09:16AM