Al-Shabaab oo dib ula wareegtay magaalo ay faarujiyeen ciidamada Kenya

Image

BAARDHEERE, Soomaaliya - Kooxda Al-Shabaab ayaa dib ula wareegtay degaanka Faafax-dhuun, oo ku dhaw degmada Baardheere ee gobolka Gedo, kadib markii ay faarujiyeen ciidamada Kenya maanta oo sabti ah.

Ciidamada kasoo baxay degaanka Faafax-dhuun ayaa u ruqaansadey dhanka Giriiley ee xadka wadanka Kenya, iyadoo aan la ogeyn sababta ay dib ugu gurteen.

Faafax dhuun oo ah mid istitaatiiji ah oo qiyaastii 80-KM dhanka galbeed uga beegan magaalada Baardheere ayaa ah deegaan istiraatiiji ah oo isku xira magaalooyinka gobolka Gedo.

Ciidamada Kenya ayaa Al-Shabaab kala wareegay degaankan horaantii 2012.

Al-Shabaab ayaa la rumeysan yahay in weerarada ka fuliso Kenya ka abaabusho gobollada xadka ku yaalla, oo Gedo kamid yahay, halkaasi oo ay ka howlgalayaan ciidamada KDF [Kenyan defence forces].

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku guul-dareysatay inay Al-Shabaab ka saarto goobaha ay dalka kaga sugan tahay, iyadoo khatar kooxdan ku hayso amniga qaranka sii xoogeysanayso.

Ciidamada AMISOM, oo ka kooban 22-kun oo Askari ayaa dalka ku sugnaa mudo 12 sano ah, islamarkaana dagaal kula jiray Al-Shabaab, oo wali maamusho dhul ballaaran oo ay ka abaabusho weerarada.

GAROWE ONLINE

 

 

 

 

Related Articles

Ciidamo la geeyay hoyga Xasan Cali Khayre iyadoo xiisaddu ka sii dareyso Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin ciidamada la geeyay hoyga Xasan Cali Khayre.

  • Soomaliya

    09-05-2026

  • 02:51PM

Sheekh Shariif oo u guuray waqooyiga Muqdisho si uga baaqsado xabsi guri suurtagal ah ka hor bannaanbaxa

Wararka ayaa sheegaya in Sheekh Shariif uu kamid yahay siyaasiyiinta mucaaradka ee diyaar u ah inay ka qeyb galaan bannaanbaxa.

  • Soomaliya

    09-05-2026

  • 02:23PM