Al-Shabaab oo dishay 4 qof, kana hadashay sababta ay u weerarto Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Kooxda Al-Shabaab ayaa meel fagaare ah oo ku taalla degaanka Kamsuma ee gobolka Jubbada Hoose ku toogatay afar nin oo ay ku eedeysay inay u basaasi jireen Sirdoonka Ingiriiska, Jabuuti iyo dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa ku shaacisay warkan Idaacadda afkeeda ku hadasha ee Andalus maanta oo Axad ah, waxaana ragga la toogtay magacyadooda lagula sheegay Aweys Ismaaciil Aadan oo 25 sana jir ahaa, Cilmi Warsame Cumar oo 22 sana jir ahaa, Cumar Cabdullaahi Cabdi oo 28 sana jir ahaa iyo Maxamuud Abuukar Xaaji oo 25 sana jir ahaa.

Maxamuud Abuukar Xaaji iyo Aweys Ismaaciil Aadan waxay Al-Shabaab ku eedeysay inay u basaasi jireen NISA, halka Cilmi Warsame Cumar isna lagu soo oogay inuu la shaqeynayay Sirdoonka Ingiriiska iyo Cumar Cabdullaahi Cabdi oo lagu eedeeyay inuu la shaqeynayay ciidamada Jabuuti.

Waa toogashadii labaad oo mudo labo todobaad ay Al-Shabaab ku fuliso shaqsiyaad ay ku eedeysay basaasnimada, iyadoo dilkii ugu dambeeyay loogu geystay shan ruux degaan ku yaalla gobolka Baay.

Dhanka kale, Al Shabaab ayaa sheegtay in sababta ay u weerarto Hoteelada Muqdisho ay tahay inay ku beegsanayaan saraakiil katirsan Sirdoonka dowladda Soomaaliya.

"Ma weerarno Hotel kasta oo Muqdisho ku yaalla, laakiin waxaan beegsanaa kuwa gaar ah oo Sirdoonka dowladda ay degan yihiin," ayuu yiri Afhayeenka Al-Shabaab, Cali Maxamuud Raage [Cali Dheere].

Afhayeenka ayaa intaasi ku daray in Hotel ay degan yihiin dad shacab ah aan lagu xireynin dhagax iyo derbmiyo ciid ka sameysan, islamarkaana aan Askar ilaalo ka qabaneynin.

Cali Dheere ayaa sheegay in Saraakiisha dowladda iyo mas'uuliyiinta qaar aysan lahayn xafiisyo ay ku shaqeeyaan, sidaasi darteedna ay degaan hoteelada, kuwaaso oo Al-Shabaab ay ku qaado weerarada.

Al-Shabaab oo xiriir la leh Al-Qaacidda ayaa isku dayaysa inay afgembiso dowladda Soomaaliya ee reer galbeedku taageeraan ee fadhigeedu yahay caasimadda, taasoo amni ahaan ku tiirsan AMISOM.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo Dowladda ku Eedeeyay Caburinta Saxaafadda

Xorriyadda hadalka iyo madaxbannaanida warbaahinta waa tiirar muhiim u ah dowlad kasta oo sharciyad leh.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 03:01PM

CC Shakuur: Qofkii Talada dalka la ordo waa laga dhigayaa, hana xigo ama yuusan na xigin

"Qof kasta oo la ordo talada dalka waa laga dhigayaa, ha ahaado mid na xiga ama mid aan na xigin," ayuu yiri C/raxmaan Cabdishakuur Warsame.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 09:43AM