Al-Shabaab oo duqeymo looga dilay saraakiil iyo dagaalameyaal

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Diyaarado aanan weli la aqoonsan dalka laga leeyahay ayaa habeenimadii Khamiista duqeymo ka fuliyey nawaaxiga magaalada maamulka Al-Shabaab ku hoos jirta ee Jilib.

Macluumaad sirdoonka oo la dusiyey ayaa sheegaya in weerarada dhanka cirka lagu beegsaday xafiis degmo, saldhig, xero ciidan iyo goob ay mukhaadaraadka kooxdu ku diyaariyaan walxaha qaraxa.

Fahfaahinada ayaa tibaaxaya in tobanaan kamid ah dagaalameyaasha xoogaga gacansaarka la leh shabakadda Al-Qaacida lagu naf-gooyey howlgalkaasi.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in saraakiisha la khaarijiyey uu kamid yahay taliyihii Al-Shabaab ee saldhiga booliska magaaladda, kaasi oo magaciisa lagu sheegay Xasan Dheere.

Xogaha ayaa muujinaya in ku xigeenka Xasan Dheere iyo saddex horjooge kale ay ku geeriyoodeen duqeyntaasi wallow aanan weli la helin magacyadooda.

"Khasaaraha ugu badan ayaa ka dhacay xerada maleyshiyaadka iyo xarunta tababarka qaraxyadda," ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidamada Soomaaliya oo Garowe Online uga waramay howlgalkan.

Dhinaca kale, duqeymo kale ayaa isla habeenimadii Khamiista waxay ka dhaceen agagaarka tuulada Basra oo 30 KM dhanka waqooyi uga beegan magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Dadka degaanka oo la hadlay GO balse qariyey magacooda sababo la xiriira dhanka ammaanka ayaa sheegay in ay maqleen daryenka jug culus iyo dhawaqa diyaarado kuwa aan duuliyaha lahayn ah.

Basra waa tuulo istaraatiiji ah oo ay Al-Shabaab u adeegsato isu gudbinta saanadaha gobolada qaar ee dalka. Geesta kale, Al-Shabaab weli kama aysan hadlin dhacdooyinkan.

Fahfaahinta waxyeelada ka dhashay duqeynta Basra ayaa ah mid aanan wali caddeyn inkasta oo wararku ay xaqiijinayaa in ay jiraan khasaaro Al-Shabaab loogu geystay weerarkan.

Inta badan weerarka cirka ee ka dhaca koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa waxaa alaaba qaadey Mareykanka oo tobanaan sano dowlada federaalka ka taageeraya gulufka ka dhanka ah "argagixisada".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Jeyte oo ceeb ku tilmaamay hadalka Axmed Maclin Fiqi

Nuur Cabdi Rooble (Nuunuule), Caddaw iyo Macallin Cumar ayuu sheegay Wasiirka difaaca DF Axmed Maclin Fiqi in lagu dilay howlgalka.

  • Soomaliya

    08-06-2025

  • 12:28PM

Ciidamada Puntland oo hawlgal ballaaran ka fulinaya godadka Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada Puntland ayaa muddooyinkii u dambeeyay ku guuleystay inay yareeyaan saamaynta iyo firfircoonida kooxda ISIS.

  • Soomaliya

    08-06-2025

  • 11:06AM