Al-Shabaab oo duqeyn looga dilay 100 dagaalame

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Diyaarado dagaal ayaa xalay weeraro cirka ah ka fuliyay Janaale, Kuunya Barrow, Dacaraha iyo Awdheegle oo dhamaantooda hoos-taga gobolka Shabeellaa Hoose ee maamul goboleedka Koonfur Galbeed.

Maxamed Ibraahim Barre, gudoomiyaha gobolka, oo u waramay Idaacadaha maxaliga ah ee Muqdisho ayaa sheegay in duqeymahaasi lagu dilay ku dhowaad 100 dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaab.

Gudoomiye Barre ayaa meesha ka saarey in dad shacab ah ay waxyeelo kasoo gaartay howlgaladaasi, isagoo ka gaabsaday in uu shaaciyo wadanka laga leeyahay diyaaradahii qaaday weerarka.

Dhanka kale, Al-Shabaab ayaa sheegtay in duqeynta Kuunya Barrow ay ku geeriyoodeen labo qof oo rayid ah, ayna ku dhaawacmeen 2 kale. Balse, ma aysan ka hadlin duqaymaha laga fuliyay degaanada kale.

Sawirro ay Shabaab ku sheegtay in laga soo qaadey goobta uu weerarka ka dhacay ayey soo bandhigtay kuwaasoo muujinaya meyadadka Cunug yar iyo qof kale.

Hasa yeeshee, Gudoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose oo wax laga waydiiyay warka Al-Shabaab ee ah in shacab lagu dilay duqeymaha ayaa si adag u beeniyay.

"Sida iyaga oo kale, nagama suurtowdo in aan dilno dadka shacabka ah. Waad la socotaan in ay caruur badan ku xasuuqeen qaraxii Zoobe," ayuu hadalkiisu daba dhigay Gudoomiye Maxamed Ibraahim Barre.

Ma jiro illaa iyo haatan wax war ah oo ku saabsan duqaymahaasi oo kasoo baxay Taliska Mareykanka ee qaarada Afrika [AFRICOM].

Duqeymahaan ayaa kusoo beegamaya iyadoo ciidamada Soomaaliya, kuwa AMISOM iyo diyaaradaha Mareykanka ay sare u qaadeen gulufka ka dhanka ah Al-Shabaab, oo lagu doonayo in looga saaro degaanada wali ku harsan gacanteeda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqasho ku tagey Wasaaradda Difaaca Soomaaliya

Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugnaa Wasaaradda waxa uu kulan la qaatay Wasiirrada Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-05-2025

  • 06:02PM

Trump oo Koonfur Afrika ku eedeeyay tacaddiyo isagoo kor u haya sawir laga qaaday Congo

Trump oo hadal jeedinayay inta lagu guda jiray kulanka, wuxuu kor u qaaday warqado daabacan…

  • Soomaliya

    22-05-2025

  • 04:18AM