Al-Shabaab oo fagaare ku toogatay dad uu ku jiro oday 75-sano jir ah

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Maleeyshiyaadka Al-Shabaab ayaa shalay gelinkii dambe waxay gobolka Jubada Hoose ku toogteen saddex qof, sidda ay baahisay warbaahinta kooxdaas hubeysan.

Saddexda qof ayaa la sheegay in laba kamid ah ay ahaayeen askar, halka dhibanaha kale uu ahaa oday 79-sano jir ah, sidda ku warbixinta.

Toogashadooda ayaa timid markii "ay dambi ku heshay" mid kamid ah maxkamada ururkaas gacansaarka la leh dagaalameyaasha Al-Qaacida.

Fulinta xukunka ayaa sidda cadaada u ah Al-Shabaab waxay ka dhacday goob fagaara ah oo ku taala Kamsuuma oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Magacyadda dadka la dilay ayaa lagu sheegay;

1-Muuse Xuseen Siyaad, 31-jir lagu eedeeyay in uu kamid ahaa kumaandooska Soomaaliya ee Mareykanku ku tababaray xerada Balidoogle.

Al-Shabaab waxay sheegtay in Siyaad ay ka qabatay wadada xiriirisa degmooyinka Wanlaweyn iyo Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

2-Xuseen Maxamed Cabdi, 20-jir lagu eedeeyay in uu kamid ahaa daraawiishta Jubaland kana soo howlgalay Baar-Sanguuni, ayaa la tilmaamay in laga qabtay gudaha gobolka Jubada Hoose.

3-Falliir Yaroow Cali, 75-jir la tibaaxay in uu la shaqeynaayey ciidamada Kenya ee Hoosingoow, ayaa la xusay in uu tababar kusoo qaatay xerada Kamaga. Lama sheegin halka laga xiray.

Marka laga soo tago sheegashada Al-Shabaab, ma jiraan illo madax banaan oo xaqiijinaya eedaha loo dilay shaqsiyaadka, in ay heleen maxkamadeyn cadaalad ah iyo qareeno difaaca doodooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM